Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Soo Bandhigay Xog Ku Saabsan Sida Ay Ku Timid In Ururada/xisbiyadu Ku kala Baxaan Boqollayda Gobolada!

0
103

Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Soo Bandhigay Xog Ku Saabsan Sida Ay Ku Timid In Ururada/xisbiyadu Ku kala Baxaan Boqollayda Gobolada!

Laga soo bilaabo sannadkii 2002, tartanka ururada/xisbiyadu waxa uu ahaa mid ku dhisan boqollayda gobolada. Mar qudh ah wax lagama bedellin. Wax ka bedelka ay Baarlamaanku sameeyeen dhowaan ma saamayn boqollayda gobolada. Waxa is waydiin leh, xaggee ayuu ka yimi boqolayda goboladu?

Qodobka 9aad ee dastuurka Somaliland oo ah qodobka keliya ee ka hadla xisbiyada, waxa uu tilmaamay laba arimood:

  1. In xisbiyada Somaliland aanay ka badnaan karin saddex xisbi.
  2. Inay reeban tahay (prohibition) in xisbi siyaasi ah lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.

Markii la samaynayay Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14, sanadkii 2001 waxa soo baxday laba waydiimood oo muhiim ah. Kuwaas oo kala ah:

  1. Haddii dastuurku waajibiyay in xisbiyadu aanay ka badnaan karin saddex, sidee xisbiyo loo samaynayaa.
  2. Haddii dastuurku reebay in xisbi lagu salleeyo gobollays iyo qabyaalad, sidee loo fulinayaa mamnucistaas.

Labadaas waydiimood waxa ka dhashay lab xal:

  1. In marka hore la sameeyo ururo siyaasi ah oo tartama si sadexda ugu sareeyaa u noqdaan saddexda xisbi ee jiri doona.
  2. Haddii ururadu tartamaan oo sadexda ugu cod bataa noqdaan xisbiyo, saw ku dhismi mayaaan gobollaysi iyo qabyaalad, taas oo ka hor imanaysa datuurka? Jawaabta loo helay waxa ay noqotay laba talaabo:
  3. In urur kasta lagu waajibiyo inuu gobol walba xafiis ku yeesho iyo inuu gobol walba keeno dad oo lagu qasbo lixda gobol ba (waxa loo bixiyay madax tirsiga gobolada).
  4. In urur kastaa ka helo boqollay gobol kasta si loogu qasbo in aanu noqon xisbi gobol ama qabiil leeyahay taas oo noqonaysa dastuur jebin.

Sanadkii 2011 ayaa Xeerka wax ka bedel lagu sameeyey si loo waafijiyo soo jeedin ahayd in xisbiyada cimrigooda laga dhigo toban sanadood. Wax ka bedelku ma samaayn qodobadii khuseeyey in ururadu ku qasbanaadaan inay gobolada oo dhan cod ka helaan waayo waxa loo arkayay arin dastuuri ah. Sanadkan 2023/2024 wax ka bedelka lagu sameeyey Xeer Lr. 14 ee khuseeya xisbiyada iyo urruada iyo Xeerka Guud ee Doorashooyinka, wax ka bedel laguma samayn labada qodob ee khuseeya in urur kastaa ku yeesho kun qof iyo in doorashada lagu tartamayo ay noqoto mid ku dhisan boqallayda gobolada.

Sidaasdarteed, arinka boqollayda goboladu maaha arin hadda la hindisay ee waa warin dhashay 22 sanadood ka hor oo la kawsaday nidaamka doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda Somaliland.”

WQ-Garyaqaan Guuleed Dafac

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here