GARNAQSI QURBE-JOOG IYO QARAN-JOOG.W/Q Hamze Hassan Gurre(HGurre)

0
623

QARAN JOOG: Ilaa maalintii aad walaalkayow ka dhooftay madaarka,ee aad dhoof aadey.Wax alle wax aad ii tartey garanmaayo. Telefoonkaaga marka aan soo wacana waad igu xidhaa kolla gabadh gaalad qalaad  ah baad igu dhiibtaa.Xitaa aan hadaladeeddii ka xasuuusto( the number you dail is unavailable). Mida kale gabadhaas aad baan u necbaa waayo way been badneyd.Oo adigga oo qudh iyo maan  u ogahay una  garanaayo in aad ag joogto,ayey hadana cirka ii calaamadin jirtay. In ay ax’maqad ahaydna waxa aan ku garanayaa,marqudha may ku odhan si naxariisleh  waar kii aan beenta u sheegayey ee aad walaalaha ahaydeen,Lacagtan aad kala rasaynayso wax shaah uu ku cabbo uga dir lacagtu qiimo malaha oo qofka ka qaalisane. Kaaga sii darane xitaa facebook waad I block gareysay oo hawadabba waad iga saartay. Whats up’kiina dhowr goor markaan ku salaamay ilaa mobile kiiba waad tuurtay ileen shaxaad ka yaab ayaad tahee. Mida kale horta ciyaalkaaga miyaanad u sheegin in aan adeer u ahay oo weliba aan ahay kii kaa weynaa. Marka ay telefoonka guriga qabtaan qaylo ayey dhegaha kaa sanaadhayaan,Ama sida ay kuu silcinayaan ayuunbey kugu jarayaan markaad xiiqdo,dee ninyow  gabadhaaduna waa mid aan is idhi waa maxajabad aad ayey u af-gaaantay. Malaha afsoomaaligaba ma taqaan ileen wey ila hadli lahayd oo dumaasheed ayaan ahey’e. Qofta iyana in aan dumaasheeda leeyahay miyaanad u sheegin. Waxba garan maayee ninyow kuumaan bogin.Ninkaagii sidaa iyo si ka daran ahaa ayaa maantana qol-qolkii ku soo meereysanayaa.Waar meeshan ama mashaariic waaweyn oo midha dhal leh la kaallay ama iska bax oo caruurtaaddii ku noqo. Gaaladduna waxaaba lay sheegay in ay caruurta iska xanbaartaan haday waalidkoodda waayeen dhow jeere. Mida kale intii aad qurbaha joogtay horta siyaasadda wax ma ka soo baratay mise waad so il’baxduun? Kolay sida aan filaayo siyaasad san oo suuban ayuunbaad dhex joogtay oo daawanaysay sida ay u dhacaysee,Siyaasaddan aanu wadanka ku haynaa waa iska bahashii geella uun iyo dhaqashaddii xoollaha. Hase ahaatee waanu iskaga qanacsanay oo raali ayaanu ku nahay.

QURBE JOOG: Waar horta ma fekeraysid oo bilaa wer-wer ayuunbaad rabtaa in aad lacag ku hesho iskana qayisho.Miyaanad maqal maahmaahda tidhaahda XAGLO LAABAN XOOLU KUMA YIMAADAAN. Adiga oo jiqlaysanaya oo iska keef keefaya ayaad qaaqda uun soo haysaa. Inkasta oo aan ogey in wadanka shaqo la’aan baahsani ka jirto,Hadana kolayba meel aad quruskaagga kala soo baxdo maad weydeen. Xaragadda iyo shaqadda hadaad isku dheeli tirto waxa ay ila tahay in aad wax badan ka jibo keeni lahayd. Kol aad kaaryoonne/Gaadhi-gacan ka xaysato oo ciida dooxyadda tuullan  soo gurtana,Si lagaagga iibsaddo oo ay dadku barxadaha guryahaa ku filqistaan deyrarka dhexdoodda. Dabeecadan marka aad marqaanto ay aniga uun i’kaa tusayso iska dhaaf maandhow. Hooyada iyo aabaha ayaan biiliyaa oo masruufaa. Bariiskan aad maalin walba cunto,Miyaad na weydisay halkaanu ka keeno? Ahey ah, waanu ka xishoonaynaa hadii aanu kuu sheegno. Balse yey adiga ku dhaafin aan ku sheegee. Waxan u qubeeyaa/umeydhaa digaag. Nin digaag raaca qaarkood ay duullaanba marmar oo hawada iska hee-haabaan,Ayaad adiguna isaga findhicilanaysaa. Mida kale gabadhan aad iska higaadinayso.Maaha sidaad moodey ee waa cajalad (phone network operator). Ciyaalkana imika xagan ayaan keenayaaye waa aydun is baran. Qudhayduna xagan ayaan ka shaqaysan oo siyaasadan banaanka iska talaan u qubeeyn intaan digaag u maydhi lahaa’e. Ta kale marka aad ileedahay siyaasadan la qabsan maysid, Sowtan lay sheegay in bahasha xitaa haweenkii ay kulabba noqonayaan ee maalinba xusbi ku biirayaan.In kastoo xagaa aanu joognaba dumarkii ku karti bateen hada.  Waxba aniga go’a ha ii ridine wadanka waa loo wada tashanayaaye taa niyadaadda u sheeg.   Dhamaad  

 

Hamze Hassan Gurre