Garaadka Guud Ee Somalida Ethiopia Garaad Kulmiye Oo Ku Baaqay Shirweyne Nabadeed
Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka qabsoomay shir jaraa’id oo ay maanta yeesheen Garaadada, ugaasyada, suldaamada, iyo dhamaaan hogaminta odayaal dhaqameedka DDSI ayaa waxay kusoo saareen baaq shirwayne wadatashi ah oo ay dhamaan u dirayaan muwaaadiniinta deegaanka somaalida mucaarid iyo muxaafidba meel walba oo ay caalamka kajoogaan inay kasoo qayb galaan shir wayne balaadhan oo lagu qaban doono caasimada deegaanka ee magaalada jigjiga 5ta august ee bisha fooda inagusoo haysa.
Hadaba kulankan oo lagaga wada tashanayo danaha shacabka deegaanka,iyadoo ay odayaal dhaqameedku sheegeen in shirkan ay iyagu iskood usoo abaabuleen si meesha looga saaro mad madawga jira loona dar dar galiyo horumarka, nabadgalyada iyo midnimada shacabka deegaanka
Ugu danbayna Waxaa baaqan soo jeediyay garaad kulmiye garaad faarax garaad dool oo ay wehelinayeen dhamaan hogaamin dhaqameedka deegaanka oo ku hadlayacodka shacabka DDSI ayaa sheegay inuu jiro shirwayne wada tashi ah oo dhicidoona 5ta august oo ay ugu baaqayaan dhamaan garaarada, ugaasyada, suldaamada, siyaasiyiinta aqoonyahanada udhashay deegaanka inay kasoo qaybgalaan, Wuxuuna garaadku tilmaamay in shirwaynahaas lagaga wada hadli doono sidii aynu ooga faaiideysan lahayn isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, wuxuuna garaadka intaa kudaray in shaqsi walba fikirkuu wado kasoo jeediyo shirwaynaha islamarkaana aynu gacmaha is qabsano oo aynu is cafino,iyadoo uu garaadku xusay inay damaanad qaadayaan nabadgalyada shirwaynaha, garaadka ayaana carabka ku adkeeyay in loo baahanyahay inaynu midnimo iyo muwaafaqo yeelano, wuxuuna garaadku baaqiisa kusoo afmeeray oo uu baaq udiray in ururka ONLF ay iyana ka faaiiadysataan cafiska loo fidiyay dhamaan mucaaradkii dalka oo ay yimaadaan deegaanka.