Ganacsatada Somaliland Oo Maanta Madaxwayne Siilaanyo Hordhigaya Dacwad Ka Dhan Ah Shirkada Dp World Iyo Nuxurka Dacwada Ay Gudbinayaan Ganacsatadu

0
578

Harggeysa( Halsan ):- Ganacsatada Somaliland oo maalmahanba ka cabanayay maamulka cusub ee dekeda Berbera ee ay ku shuraakoobeen shirkada Dp World iyo xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa inay maanta madaxwayne Siilaanyo la kulmaan si ay ugu bandhigaan dhibaatooyinka ay soo kordhisay shirkadaasi oo awoodi wayday Bucsharadahoodii inay u rogto si ay suuqa uga iibsadaan.

Ganacsatadan  oo ku shiray xarunta rugta ganacsiga Somaliland ayaa soo xulay guddi culus oo madaxwayne Siilaanyo kala xajoota sidii uu talaabooyin wax ku ool ah uga qaban lahaa nidaamka caqabadda ku noqday ganacsigoodii ,iyada oo ay horeba shirkada ay ku bahoobeen shirkadaha ganacsiga ee ku xidhan dekeddu qoraal ay saxaafadda mariyeen ku sheegeen inay qaadi donaan talaabooyin ay kaga tashan doonaa adeegsiga dekeda Berbera.

Bucsharado farabadan oo ku raran maraakiibtii siday ayaa hoganaya badwaynta kadib markii ay waayeen cid ka rogta ,halka qaarkoodna ay u shiraacdeen dekedda gobolka sida Jabuuti,Boosaaso,iyo Muqdisho,halkaas oo ay u wareejiyeen ganacsigoodii.

Qalab fara badan oo u badan kuwa dhismaha ayaa bilihii u danbeeeyey ku xayirnaa dekeda Berbera,halka qaarkoodna markii ay kala go’een ay ku kaceen qiimo qaali ah sida Looxa cas ee guryaha lagu dhiso,kaas oo afar jibaarmay marka loo eego qiimihii hore.

Dhibaatooyin is biirsaday ayaa dul hoganaya dekeda magaalada Berbera ,kuwaas oo laga yaabo qaarkood inay khatar galin karaan sida Koonteynaradda qaabka loo rogo oo culays badan ku keeni kara awooda ama xajmiga dekeda oo ka badan qiyaastii intii loogu talo galay.

Xukuumadda Somaliland oo aan waxba ka qaban tabashada ganacsatada Somaliland ayaa dorraad amar ku bixiyey in la rogo Markab u rarnaa hay’adda WFP oo mucaawimo u siday dawlada Itoobiya,kaas oo lasoo xidhay dajintiisiina socoto.Halka ganacsatada Somaliland ee cashuurta dalku ku dhisan yahay aan cabashadooda waxba laga qaban.

Mushkilado badan ayaa dul hoganaya dekeda,waxaana ugu wayn gabi ahaanba wali inay xukuumaddu samayn kari la’dahay hogaankii maamuli lahaa oo ay saamiyo kala duwan ku lahaayeen shirkada Dp World ,Somaliland iyo Itoobiya,kuwaas oo ka kooban sagaal xubnood.

Si kasteba ha ahaatee waxa laga war sugayaa jawaabta kasoo baxda kulanka maanta ee ganacstada Somaliland la yeelanayaan madaxwayne Siilaanyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here