Gaalkacyo-(Halsan):-Wararka inaga soo gaadhaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in saaka markale uu dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Galmudug iyo kan Puntland uu dib uga qarxay qeybo kamid ah Gaalkacyo.
Wariye ku sugan Magaalada Gaalkaco ayaa noo soo tebiyey in dagaal culus uu saaka ka socdo qeybo kamid ah Magaalada Gaalkacyo, dagaalka ayaana qarxay kadib markii Ciidamo katirsan Maamulka Puntland ay saaka soo galeen Suuq kuyaal xadka ay labada Maamul wadaagaan.
Labada Ciidan ayaa is dhaafsanaya rasaas culus, iyadoo daryanka rasaasta laga maqlayo gabi ahaanba Magaalada Gaalkacyo.
Walina si rasmi ah looma oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkan saaka dib uga qarxay Magaalada inkastoo dhimasho iyo dhaawaba jiraan.
Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo ay ku mashquulsan yihiin xalinta Xiisada ka dhextaagan labadan Maamul.