Gabadh u dhalatay dalka Masar oo lagu sameeyay Qaliin Cayilka looga dhimayo +Sawirada

0
673

Gabadh u dhalatay dalka Masar oo la rumeesan yahay in ay tahay qofka xiligan dunida ugu cayilan ayaa lagu sameeyya qaliin saacado badan qaatay lagu doonayo in lagu dhimo culeeska jirkeeda.

Eman Axmed Cabdi El Aty, oo 36-sano jir ah ayaa culeeskeeda lagu sheegay 500kg, waxaana bishii Janaayo diyaarad qaas ah lagu geeyay dalka Hindiya si loogu sameeyo qaliin culeeska jirkeeda lagu dhimayo.

Isbitaalka Sayfee ee Mumbia ee kuyaala dalka Hindiya ayaa gabadhan u dhalatay dalka Masar ku sameesay qaliin , waxaana qaliinka lagu sameeyay gabadhan kadib la sheegay in ay is dhintay 100-KG .

Afhayeen u hadlay maamulka isbitaalka Sayfee ee Mumbia, ayaa sheegay in qaliinka lagu sameeyay gabadhan kadib ay is dhintay 100 KG , waxa uuna tilmaamay Afhayeenka in ay rajeenayaan in ay caateeyaan gabadhan dalkeedana dib ugu laabato iyada oo caafimaad qabta.

Eman Axmed Cabdi El Aty ayaa la sheegay in mudo 25-sano ah aysan ka bixin gurigooda, waxaana gabadhan xanaaneyn jiray Hooyadeed iyo walaasheed, waxaana Eman mudoouinkii dambe sii kordhayay culeeska jirkeeda.

Qalliinka lagu sameeyay gabadhan u dhalatay dalka Masar waxaa fuliyay koox dhaqaatiir ah oo uu hogaaminayo dhaqtar caan ah oo ku taqasusay dhimista cayilka oo lagu magaacaabo Dr Muffazal Lakdawala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here