Gaari Goordhaw ku qarxay Caasimada Somaliya ee Muqdisho iyo Ciidamada Nabad Sugida dalkaas oo qabtay rag fulin rabay qaraxyo iyo Weerar

0
664

Warar goordhaweyd nagasoo gaadhay Caasimada somaliya ee muqdisho ayaa sheegaya in gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu goordhaweyd ku qarxay agagaarka Isgooska Cali Kamiin ee Degmada Wardhiigley ee dalkaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu dhacay kadib markii ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen labo nin oo watay gaaarigaasi qaraxa ku xirnaayeen, waxaana la sheegay in ragan la qabtay ay doonayeen in gaariga ku wareejiyana rag kale oo weerarka fulin lahaa.

Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay qabteen gaari kale oo isna loo adeegsan rabay weerarka, waxa ayna ciidamada nabad sugida ay baadi goob ugu jiraan rag la tuhmayo inay fulin rabeen weerar lagu qaado Maqaayad kutaala Muqdisho.

Qaraxa gaariga ka dhacay waxaa ku dhaawacmay inta la ogyahya sadax qof oo shacab ah sida ay noo xaqiijiyeen maamulka Degmada Wardhiigley, waxaana ciidamada amaanka ay hada wadan howlgalo looga hortago weeraro argagaxiso oo ka dhaca Muqdisho.

Sargaal katirsan Ciidamada Nabad Sugida ayaa Warbaahinta u sheegay in gaariga qarxay iyo midka la qabtay in la doonayay in lagu weeraro maqaayad kutaala Muqdisho, waxaana labada gaari doonayay in mid kamid ah weerar is qarxin ah lagu fuliyo halka kan kalana ay raaci lahaayeen raga weerarka fulin rabay.