Gaadhi Hub Sida Iyo Ciidammo Boliis Oo Isku Hor-fadhiya Waddada Tabca Ee Buuraleyda Waqooyiga Ceerigaabo

0
664

Ceerigaabo(Halsan):- Hubkan oo ilaa hadda aan la xaqiijin tiradiisa iyo noocyadiisa iyo cidda uu gacanta ugu jiro toonna ayaa wararka hordhaca ahi sheegayaan inuu saaran yahay gaadhi nooca Iskarogada loo yaqaanno kaddibna ciidanka boliiska oo ka war helay iyo baabuurkan hubka sida ay goor xalayto ahayd ku kulmeen buurta ay marto waddada Tabca ee waqooyiga magaalada Ceerigaabo halkaasoo sida wararku sheegayaan ciidanka boliiska iyo ciddii wadatey baabuurkaas ay dhexmartay is rasaasayn taasoo la sheegayo in aanay jirin wax khasaare rasaastaas kasoo gaadhey labada dhinac midkoodna.

Waxana wararku intaas kusii darayaan in baabuurkii hubka sidey dib ugu laabtay waddadii uu soo maray welina uu ku dhex jiro buuraleydaas halka ciidanka boliiskana la sheegayo inay ka ag dhow yihiin

Wararka dheeraadka ah ee aannu arrintan ka helayno balse aan weli sugnayn qaarkood ayaa sheegaya in hubkani oo u badan rasaasta qorayaha fudud AK.47 uu yahay mid laga keensaday dhinaca Yemen oo kazoo degey xeebaha waqooyiga Ceerigaabo

Halka qaar kalena sheegayaan in laga keensaday dhinaca magaalada Boossaaso (Puntland) oo uu kazoo wareegey dhinaca isla xeebahaas.

Dhinaca kale Kusimaha badhasaabka G/Sanaag iyo Taliyayaasha Ciidammada Boliiska iyo Ilaalada Xeebaha oo goor danbe oo xalayto ah aannu isku daynay si aannu arrintan wax uga weydiinno ayaanay noo suurta gelin kaddib telefoonnadooda oo isugu jirey kuwo aan la heli karin iyo qaarkood oo xidhnaa waqtigaas iyo qayb la qaban waayey awgeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here