Fu'aad Aadan Cadde Oo Turkiga Ku Geeriyooday iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Shakhsiyaddiisa Ka Hadlay

0
700

imagesHargeysa(Halsan)July-15-2015- Alle ha u naxariistee waxaa cusbitaal ku yaala dalka Turkiga ku geeriyooday la taliyihii arrimaha bariga ee Madaxweyne Siilaanyo, fu’aad Aadan Cadde.Marxuumka ayaa dhakhtarka Turkiga loo geeyay dhaawac ka soo gaadhay Gaadhi Madaxtooyada Somaliland ku jiidhay, halkaasi oo jabniin kaga soo gaadhay Lugta.
Madaxweynaha Somaliland ayaa qaybaha kala duwan ee shacbiga ka tacsiyeeyay geerida siyaasigaas ruug caddaaga ahaa:-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Siyaasiyiinta Dalka, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Isimada, Salaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Fuaad Aadan Cade oo ku geeriyooday Dalka Turkiga saaka 15/07/2015.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay siyaasi ruug cadaadi ah oo ka baxay shacbiga iyo dalka Somalilandba, laguna xasuusan doono go’aamadii geesinimada lahaa ee uu ka geystay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka isaga oo dedaal weyn u galay sidii shacbiga Somaliland ee walaalaha ahi ay ugu wada noolaadan, deris wanaag iyo horumar, waxaanu ahaa muwaadin dhaba oo aan ka gaban mawqifkiisa wadanimo.

Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland isaga oo la soo sheegeeyey guud ahaan madaxdii kala duwanayd ee soo martay hogaanka dalka oo uu ilaa wakhtigan ahaa la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bariga Somaliland.

waxaanu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Isimada, Sulaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
images