“Fu'aad Aadan Cadde: Han-fogaan……..Kal-furnaan” Boobe Yuusuf, Qaybta 2-aad

0
652

“Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,

Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,

Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye,

Guushii ifkiyo aakhiroba, lagu guddoonsiiye,

Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay,

Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha  e’,

Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe,

Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

Gablan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”

 

Maansadii Galaal ee Cali Sugulle Dun-carbeed, 1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.comwww.dharaaro.com

20/7/20015ka, Hargeysa,

Qormada 2aad

Maalin maalmahaa ka mid ah ayaa gelin dambe qayilaad lagu ballamay gurigii Cumar Carte ka deggenaa Boorame oo fooq ahaa. Halkii ayaa lagu haasaaway. Shirku mid rasmiya ma ahayn, haddana faa’iidooyin badan ayuu u lahaa Shirweynaha iyo is-dhex-galka dadkaba. Waa maalmihii laga soo doogay dagaalladii sokeeye ee dal iyo dadba aafeeyay. Dadku beyr ayuu kala qabay. Gobollada baallaha ayaa ka dareen qabay SNM oo taladii dalka la wareegtay. Waxa loo baahnaa in la wada-hadlo oo la is-beer-xaadho si meel isku mid ah looga dhaqaaqo.

Dadku ha ku qaybsanaado dagaalladii sokeeye ee dalka aafeeyay, bal se waxa dhex yaallay dareen guun ah oo woqooyinnimo oo ay muddo dheer wadaagayeen, kaas ayaana ahaa waxa ugu xoogga weynaa ee isu hayay. Dhaqan ayay maalmahaa iska ahayd in qoladayadii SNM aad uga sheekayso halgankii iyo waayihii la soo maray. Waxa aad loo hadal-hayn jiray sidii loogu naafoobay halgankii hubeysnaa iyo dhibaatooyinka naafada haystay.

Goor wax aan sidaa u sii badnayn la dooday oo fikirka la is-weydaarsaday, ayaa Fu’aad Aadan Cadde meel halkaas ah gacanta ka taagay. Si kaftan-dhable ah ayuu hadalkii u dhigay isaga oo u duur-xulayay qoladayadii SNM, waxaanu yidhi hadal u ekaa: “Horto waa la wada naafoobay. Qoladiinnan SNM Soomaali oo dhan ayaa isugu tagtay oo naafaysay, sidaas ayaydaan godobtiinnii cid aad u raacdaan u haysanin. Annaguna waanu naafownay, laakiin idinka ayaa na naafeeyay oo annagu cid aanu godobtayadii u raacno waanu haysannaa.”

Qof ahaan xusuustayda Fu’aad Aadan Cadde, halkaas ayay ka bilaabantaa, waxaanay ku siman tahay tan iyo maanta oo meydkiisii laga keenayo dalkaa Turkiga laguna aasayo Hargeysa, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Xusuustaasi waxay jiri doontaa inta uu nool yahay dareenkii fayoobaa ee samo-filashada ahaa ee Fu’aad Aadan Cadde.

Bal hadda hadalkaa aan ka soo xigtay u fiirsada oo isku daya in aad si fiican oo togan u dhanbalataan. Hadalka uu maalintaa Fu’aad Aadan Cadde yidhi wax badan ayaa ku duugan, waana waxa qeexaya shakhsiyaddiisii fiicnayd ee run-sheegga ahayd. Weedhan aan ka soo xigtay Fu’aad Aadan Cadde waxaad ka dheegan kartaan:

 

  • Kalsoonidii xad-dhaafka ahayd ee uu oo uu isku qabay,
  • Geesinnimo uu ku dhiirraday in uu dareenkiisa ka dhex sheego madal aan weli la is-laab-xaadhan oo nabarradii dagaalladu hafeefanayaan,
  • Kal-furnaan aanu ku qarin dareenkii uu qabay ee dhabta ahaa,
  • Xaruurinnimo uu dareenkiisii si kaftan ah u gudbiyay,
  • Farshaxannimadii uu hadalka u dhigay ee sida fudud loo liqay,
  • Run-sheeg iyo laab-xaadhnaan,
  • Doocii iyo dareenkii Somaliland-nimo ee ku duugnaa,
  • Isku-hallaynta uu ka qabay dadka uu la hadlayay oo ay dhaqan iyo dhalashaba wadaagaan,

 

Horto, aniga qof ahaan xusuustaydii ugu horreysay ee Fu’aad Aadan Cadde, waa taas. Intii intaa ka dambaysay indhaha ayaan ku hayay geeddigiisii dheeraa, adkaa ee xanuunka badnaa ee Somaliland-nimo ee uu soo galay, aakhirkiina ku geeriyooday.

Fu’aad Aadan Cadde shakhsiyaddiisii xariirta ahayd waxa sar-goynayay dareenkiisii dal-jacaylka iyo dad-jacaylkaba ahaa. Markiisii horeba Fu’aad Aadan Cadde wuxu ahaa nin xidhiidh fiican la lahaa bulshada inteeda badan. Intii aanu Boorame joognay ayaan hadal-hayntiisa maqlay. Waxa la ii sheegay in uu ka shaqayn jiray Baanankii Soomaaliyeed, markii dambena uu gancsiga ku dambeeyay.

Fu’aad Aadan Cadde, intii lagu dhawaaqay Somaliland wuxu ka mid noqday tiirarka ugu mudan ee ay ku taagan tahay. Si gaar ah wuxu uga mid noqday foolaadka mudanka gobollada bari, gaar ahaan gobolka Sool.

Fu’aad Aadan Cadde, wuxu haa nin ay ka dhab tahay Somaliland-nimadu oo ay dhuuxiisa iyo dhiiggisaba raacday. Wuxu ka mid ahaa dadkii ugu keniga adkaa ee keena-diidka ahaa. Wuxu waqtigiisii, hantidiisii iyo naftiisiiba u huray dhismaha iyo isku-haynta Somaliland. Wax kasta oo lagu sameeyay, si kasta oo loo gaasiray, si kasta oo loo takooray, si kasta oo looga ilaaliyay in uu tusmo iyo taloba ku yeesho arrimaha gobollada bari, gaar ahaan gobolka Sool ee uu ka soo jeeday, haddana taasi niyad-jab kuma ay keenin.

Isaga oo duruufahaa aadka u adkaa una qallafsanaa ku jiray kuna dhex noolaa, ayaa haddana looga gacan-haadinayay Puntland ama mararka qaarkoodba looga calan-walaynayay Soomaaliya. mararka qaarkood ayay koxda Khaatumo wax walba ku beer-laxawsanaysay, hase yeeshee Fu’aad Aadan Cadde marnaba dheg jalaq uma siinnin.

Mar walba Hargeysa ayuu joogay. Mar kasta Xuddun iyo Laas-caanood ayuu joogay. Marnaba shiishka iyo diiradda midna kama lumin. Somaliland-nimo yaraantii uu ku soo barbaaray ayaa hadba ku soo duxaysay. Reer woqooyinnimo uu beryo dhexe ku nolaa ayaa hadba soo mir-kacaysay. Somaliland-nimo mar labaad ku curatay ayaa doociisa iyo dareenkiisaba ku duugnayd.

Fu’aad Aadan Cadde intii nidaam siyaasadeed dalkan soo martay midna ma siinnin fursaddii iyo haleelkii uu wax kaga qaban lahaa gobolka uu ka soo jeedo. Waa tan ta qeexaysa ee qormaynaysa shakhsiyaddii halgameeed ee Fu’aad Aadan Cadde. Isaga oo sidaa u garbo-duubnaa, isaga oo sidaa u gaasirnaa ayuu haddana wixii tamartiisa ah dal iyo dadba tarayay. Heerarka uu dul-qaadka ka gaadhay haddana nidaamyadii maamul ee sidaa u garbo-duubay ayuu mararka qaarkood xilal u hayay oo ka aqbalayay. Waa taa shakhsiyaddii Fu’aad Aadan Cadde.

Meyd maxaa ugu dambeeyay? Iyo kaa la sii sido. Dhimashadiisii wax yar ka hor, markan uu gaadhigu ku jiidhayo Madaxtooyada dhexdeeda, Fu’aad Aadan Cadde, wuxu ku sawirnaa La-taliyaha Madaxweynaha ee gobollada bari. Waxaan uga gol leeyahay sida inta badan la qoro ma uu ahayn La-taliye ee waa ku sawirnaa. Daliilkeedu wuxu yahay:

 

  • Madaxweyne lala taliyaa ma muuqdo,
  • Cid dalka arrimihiisa lagala taliyo oo muuqtaana ma jirto,
  • Cid talo laga oggol yahayna ma jirto,
  • La-taliye shaqeeyaaba ma jiro,
  • Intoodii badnaydna maba hawl-gasho,

 

Fu’aad Aadan Cadde, waxa lagu xusuusan doonaa keni-adayggiisii iyo hal-adayggiisii. Waxa lagu xusuusan doonaa halgankaa adkaa, qadhaadhaa ee uu u soo galay midnimada iyo qarannimada Somaliland.

 

“Hakad geli oo ka dalandalo”, ayay odhaahdu ahayd. In yar aynu ka nidhahno tariikh-nololeedkii Fu’aad Aadan Cadde oo kooban. Wuxu ku dhashay degmada Xuddun 1942kii. Hooyadii waxay ahayd Cibaado Xirsi. Waxay Fu’aad Aadan Cadde,  wada dhasheen 12 wiil iyo 9 hablood. Laba bahood ayay ahaayeen. Maanta waxa ka nool 5 rag ah iyo 5 dumar ah sida uu noo sheegay walaalkii Cabdi.

Gunaanadkayga iyo gebagebada, Somaliland-nimadu haddii ay hadli lahayd oo lagu odhan lahaa: “Qof haddii aad noqon lahayd kuma ayaad noqon lahayd, shaki kuma jiro in ay odhan lahayd: ‘Dadka uu Fu’aad ka mid yahay’.”

Sidaas ayuu Fu’aad Aaadan Cadde Taariikhda ku gelayaa. Waa dirkii iyo raqamkii Fagadhe iyo qaar kale oo badan. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan.

Dhammaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here