Ha’adda FBI-da dalka Mareykanka ayaa mar kale soo bandhigtay sawiro laga qaaday Weerarkii diyaarada loo adegsaday ee lagu qaaday Xarunta Wasaarada Difaacada Mareykanka ee Pentagon-ka 11 September sanadii 2001-dii.
Bar ay leedahay Ha’ada FBI-da Mareykanka ayaa lagu shaaciyay sawirada weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana baahinta sawiradan ay imaanayana lix sano kahor xili markii ugu horeesay la baahiyay Sawiro laga qaaday Weerarkii Pentagon-ka
Diyaarada American Airlines 77 oo ka soo duushay gobolka Virginia kuna sii jeeday Los Angeles ayaa lagu weeraray Xarunta Pentagon-ka, waxaana weerarkan ku geeriyooday 184 qof oo ku sugnaa xaruntaasi.
Afhayeen u hadashay FBI oo lagu magacaabo Jillian Stickels ayaa sheegtay in sawirada weerarkii Pentagon markii ugu horeesay la baahiyay sanadii 2011-kii balse cilad farsamo oo timid ay keentay in sawirada Internetka laga waayo ayna mar kale dib usoo daabaceen hada si ay dadku u arkaan.