FAYSAL CALI WARAABE OO XALAY KOOB DHEX DHIGAY QAAR KAMIDA CIYAARTOOYGA GOBOLKA TOGDHEER

0
636

Hargeysa(Halsan):- Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe  iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku joogay gobolka togdheer ayaa koob u dhigay laba kooxood oo ka mida kooxaha kubadda cagta ee gobolka togdheer .

Ujeedada koobkan ayaa ahayd sidii dhalinyarada loo tusi lahaa in la barbar taaganyahay iyo sidii loo dhiiri galin lahaa ciyaaraha, ayaa waxay Ciyaartan dhex martay labada kooxood  ee Turkish Style iyo Sagal Jet, waxaana ay ahayd ciyaar soo jiidatay bulshadii daawanaysay , iyadoo ahayd weerar iyo weerar celis , waxaana ay ugu danbeentii guushu raacday Kooxdi ku ciyaaraysay Magaca Turkish Style .

Munaasibad loo qabtay gudoonsiinta koobka kooxda guuleesatay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Xisbiga Ucid .

Waxaana ugu horen munaasibadda ka hadlay maamulaha Garoonkii ciyaartu ka qabsoontay , waxaanu sheegay in uu aad ugu mahad naqayo gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo koobkan u dhigay kooxahan isagoo soo jeediyay in dawladdu xil iska saarto dhalinyarada iyo ciyaaraha si loo dhiiri galiyo dhalinyarada tahriibta ku madhatay si ay  u helaan mustaqbal .

Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee gobolka togdheer mudane Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay gudoomiye Faysal iyo waftigiisa sida ay uga so qeyb galeen munaasibaddan , waxaanu sheegay in munaasibadda caawa ay farxad gaar ah u leedahay isaga maadaama uu furitaankii Garoonkan uu goob jooge ka ahaa .

Xoghayaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xisbiga Ucid Maxamuud Cali Muuse (Jiir) oo halkaasi ka hadlay ayaa dhaliilay sida Xukuumaddu u lumisay kaalintii ciyaaraha iyo dhalinyarada, waaxaanu halkaasi ka ballan qaaday in xisbiga Ucid marka uu talada dalka qabto ay la iman doonaan siyaasad cad oo ay ku soo  doonaan  ciyaarihii , annago bu yidhi u sameen doonaa nidaam toosan oo sax ah .

Gudoomiyaha xisbiga Ucid  Eng Faysal Cali Waraabe oo soo Gunaanaday munaasibaddaasi ayaa u mahad naqay bulshada reer burco sida ay magaalada Ugu soo dhaweeyeen , waxaanu ka warramay ciyaaraha iyo qiimaha ay leeyihiin isagoo sheegay in ciyaaruhu ay dhisaan Maskaxda , Jidhka iyo nabadda .

Sidoo kale gudoomiyaa oo ka hadlayay labada kooxood ee tartamay ayaa Yidhi

“ Labada kooxood kuwa badiyay iyo kuwa laga badiyay waa isku mid , idinkana maalinta danbe ayaa badin doontaan , maanta guushu Turkish Styel ayay raacday waanu hambalyeenaynaa ..” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Ugu danbeentii gudoomiyaha ayaa koobka gudoonsiiyay kooxdii hanatay guusha oo ahayd kooxdii ku ciyaaraysay Magaca Turkish Style , iyadoo dareenka Ciyaartoydii guuleesatay laga dheehanayay Farxad iyo sida ay ula dhacsanyihin in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Gudoonsiiyo Koobkan .