Faysal Cali Waraabe oo ku dooday inaan Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladda la guda-galin illaa Dibeda lagaga soo heshiiyo Saamiga

0
734

Hargeysa(Halsan) :- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ku dooday in aan Golaha Wakiiladda la horgeyn Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladda, isagoo taas ku sababeeyey in ay Khilaaf keenayso, waxaanu soo dhaweeyey soo jeedinta Reer Awdal ee ah in saami ku filan laga siiyo Golaha.

Feysal Cali Waraabe wuxuu ku dooday in 2005-tii Xeerka Doorashada Mudanayaasha Golaha Wakiiladdu buuq dhaliyey hase yeeshee si ku meel gaadh ah loogu qanciyey inay ku qaataan kuraasta ay imika ku fadhiyaan Golaha, sidaas daraadeed la fuliyo balanqaad xiligaas loo sameeyey oo ahaa in dib loo eegi doono.

Sidoo kale, Feysal Cali Waraabe waxa uu ku dooday inaan mar danbe la aqbalin in Xildhibaano is-xambaar ahi Golaha soo dhex fadhiistaan isagoo Wasiir Xagla Toosiye ku Hambalyeeyey hadalkiisii uu ku naqdiyey Xildhabaanada Beeshiisa oo uu ku tilmaamay inay dadweynahooda ka hor taagan yihiin inay Somaliland usoo hiloobaan.

Feysal Cali waraabe waxa uu dhaliilay hogaanka Golaha Wakiiladda isagoo ku eedeeyey inay dabada ka riixayaan Xeerka Doorashada Golaha wakiiladda in laga Doodo, waxaanu sheegay inaany haboonayn in Ajandaha lagu soo daraba isagoon dibeda lagu soo dhamun Khilaafkiisa.

Hadalka Feysal Cali waraabe ayaa u muuqda in uu ka hor imanayo doonista Xukuumadda Talada haysa iyo Xisbiga Mucaaradka ah, kuwaas oo isku riix riixay masuuliyada socodsiinya wax-ka-bedelka iyo Kaabista uu Xeerkaasi u baahan yahay maadaama uu ku meel gaadh ahaa.