FAYSAL CALI WARAABE OO KA HORJEESTAY MASUULIYIIN UU JAMAAL MAGACAABAY

0
656

Hargeysa(Halsan):-Qoraal wargelin ah oo uu Faysal Cali Waraabe u gudbiyay dhammaan laamaha dibadda ee xisbiga UCID islamarkaana uu wargelin siiyay murashaxa UCID iyo guddiga fulinta, oo uu shalay soo saaray, wuxuu Faysal ku yidhi  “Gudomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Waxaa uu Qoraalkan ku War galinayaa Dhamaan inta ay khusayso in uu dhawaan Musharaxa Madaxwayne Xisbiga UCID uu magacaabay Xilal.

Magacaabistaasina ay joojisay Hawl maalmeedkii shaqo qaar ka tirsan laamaha debada

Hadaba Waxaa lala socod siinayaa dhamaan inta ay warqadani sida tooska ah ugu socoto,Xeer hoosaadka Xisbiga UCID iyo Sharciga Xisbiga UCID midna aanay ku qeexnayn meelna aanay kaga jirin Magacaabistaasi isla markaana aan la gaadhin xiligii kaambaynka oo anay Sharci ahayn xisbigana aanay matali Karin dadkaas la magacaabay

Ugu danbayntii Xisbi ahaan Waa in aynu dhawrnaa Sharciga iyo kala Danbaynta Xisbiga UCID, waxaana laamaha Debada lala Socodsiinayaa in ay Shaqadoodii Sidoodii u wataan hawl maalmeedkoodi shaqan gutaan.”

Jawaabta Jamaal Cali Xuseen

Jamaal Cali Xuseen, murashaxa UCID ayaa isna markii uu qoraalka Faysal soo baxay wuxuu soo saaray qoraal kale oo u muuqda inuu kula hadlayo isla cidda uu Faysal la hadlayo isagoo difaacay sababaha uu xilalka olole wakhtigan u magacaabay, waxaanu Jamaal qoraalkiisa ku soo hadal qaaday kala duwanaanshaha aragtiyeed ee isaga iyo Faysal. Qoraalka Jamaal wuxuu u dhignaa isna sidan, “Marka doorasho soo dhawaato hawlaha la qabanayo aad bay u balaadhan yihiin oo ay uga mug weyn yihiin xilliyadda caadiga ah ee aan doorasho lagu jirin. Haddaba hawlaha doorashooyinka iyo dhaqaalahooduba waxay dusha ka saran yihiin masuulka u tartamaya jaggadda Madaxtinimo iyo hadba intii ka caawinaysa tartanka doorashadda ee ay isku xisbigga yihiin iyo taageerayaashiisa. Markaasi qofka u tartamaya jaggadda madaxtinamadu waxaa ku waajib ah in uu soo magacaawdo hadba dadka uu ku kalsoon yahay ee hawshaasi la qabanaaya isagoo tixgelinaaya dadkii hore uu Xisbiggu ugu magacaabay xilal khuseeya goobaha qaarkood.
Haddaba anigoo aad ugu kalsoon dad aad u tiro badan oo jaggooyin badan u haya xisbigga UCID dalka gudahiisa iyo dibadiisaba. Haddana, waxaa lagama maarmaan noqonaysa in aan goobaha qaarkood ku kaabo dad kale oo Kaambaynkayga iga caawiya si uu xisbiggu ula yimaado dardar iyo awood hor leh. Haddaba maadaama uu xisbigga UCID ay kala qaybsan yihiin Gudoomiyaha iyo Murshaxa Madaxweyne. Sidii aanu horeba ugu heshiinay Gudoomiyaha (heshiisyaddii hore ee awood qaybsigga ee qoraalka ahaa) in aanu xilalka Xisbigga ka wadatashano, marka ay soo dhawaato doorashaduna uu Murashaxa Madaxweynahu u madax banana yahay magacaabista kooxda kala shaqaynaysa Kaambaynka ee lagu xoojinayo dadkii hore xisbigga u sii jooggay, ayaa waxa aan halkan idiinka cadeynayaa in Kooxdii aan dhawaan u soo magacaabay Gobolka Wales, gaar ahaan magaaladda Cardif ay hawshoodda si habsami ah u wataan iyagoo matalaaya Murashaxa Madaxweynaha ee xisbigga UCID.
Waxa kale oo aan ku wargelinayaa dhamaan taageerayaasha Xisbigga in aan weliba dhawaana soo magacaabi doona xilal kala duwan oo dalka iyo dibaddaba khuseeya oo iga caawin doona si aan u noqdo Murashax ku guuleysta hawlaha laga filaayo. Waa shay caadiya oo dunidana ka dhaca in qofka u tartamaaya jaggadda madaxweyne uu xilliga Kaambaynkiisa ugu diyaar garoobo in uu magacowdo dadka uu is leeyahay waxay kaa caawin doonaan in Kaambaynkaagu uu guuleysto. Taasi micnaheedu maaha meel kasta dad baan u magacaabi doonaa. Waxaa jira goobo faro badan oo dalka iyo dibaddaba ah oo aan ku kalsoonahay in dadka xisbigga UCID u joogga imika ay ku filan yihiin hawlahayga Kaambaynka; laakiin goobaha xoojinta u baahan, iyo xilalka kale ee caawinaya murashaxaba waxa ay noqon doonaan xilal aan dadka kartideeda iyo dedaalkeedaba leh u magacaabi doono haddii Ilaahay yidhaahdo. “

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here