Faysal Cali Waraabe Oo Hadal Cadho Leh Kaga Jawaabay Digniintii Ay Soo Saareen Gudida Ururadda Siyaasadda

0
652

Hargeysa( Halsan):-Faysal Cali Waraabe Oo Hadal Cadho Leh Kaga Jawaabay Digniintii Ay Soo Saareen Gudida Ururadda Siyaasadda

Gudoomiyaha Xisbiga Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Ugu Horayn Hadalkiisa Ku Bilaabay

“waa fariin fiican. waanan soo dhawaynayaa waana wax loo baahnaa. annagu markii horeba maanu wadin wax dacaayad ah ee iyaga ayuunbaa caytamayey iyaga oo xisbiga Ku jira”

Faysal Cali Waraabe oo tilmaamaya ahmiyadda digniintan ayaa yidhi ” waa wax loo baahnaa in ha’addaha dowladu shaqeeyaan oo ay waajibkooda Gutaan” ayuu yidhi Faysal waxaana isaga oo hadalkiisa sii wataa uu intaas ku daray isaga oo ka jawaabaya kalsoonida uu ku qabo Gudida Ururada siyaasadda oo gacanta ku haya Khilaafka xisbiga Ucid ” Kalsooni iyo kalsooni la’aanba waa shaqadoodii waa xilkii loo igmaday ee dhawaana mudada loogu kordhiyey sidaa awgeed aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa”

Faysal Cali Waraabe ayaa ugu danbayn Gaashaanka ku dhuftay in ay jiraan Dhex Dhexaadin laga dhex wado labada garab ee uu u dhexeeyo Khilaafka xisbiga Ucid waxaana isaga oo xanaaq ka muuqdo uu ku jawaabay ” Waar Waan ka xanaaaqaa anigu dhex dhexaadin iyo xeer jajab hadii ay tahay Guurti iyo salaadiinba waayo waxaasi wx loo baahan yahay maaha waayo sharci baa jira oo sharcigaas ayaan ku soconaynaa” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Faysal Cali Waraabe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here