Faysal Cali Waraabe Mucaaridadiisu Waa Dhuumashada Dhabarku Muuqdo

0
820

Inkastoo, uu ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Faysal
Cali Waraabe oo Ragii la bilaabay nidaamka Xisbiyada iyo
Dimuqraadiyada Somaliland,ahaana Xisbigii u horeeyay ee ku xigey
Xisbigii Udub ee Marxuum Cigaal iyo Axmed Yuusuf Ducaale wada
aasaaseen, hadana marka dhinac walba laga eego sooyaalka Xisbiga iyo
shakhsiyada Siyaasadeed ee Faysal Cali Waraabe, waxa lagu majeeran
karaa in ay mar walba ka mucaaridad adkaayeen ururadii bishii november
ee sanadkii 2002dii ay wada galeen loolanka siyaasadeed ee
Doorashooyinkii u horeeyay ee D/hoose oo ay kamid ahaayeen Ururadii
waagaas ee Kulmiye, Asad,Sahan,Hormuud, iyo qaar kale taas oo
cidhiidhi adag ku noqotey Ucid oo laga hor aasaasay in ay si dirqi ah
ugu soo gudubto kaalinta sadexaad inkastoo rayul caamka Somaliland
badhkood aaminsanaayeen in ay Ucid kusoo baxdey cadaalad daro dhinaca
Komishanku ugu eexday sidii uu markii dambe xaqiijiyay Cabdilaahi
Jawaan oo ahaa Gudoomiye Kuxigeenkii Komishanka ee Cadami kuxigey
xiligaasi.

Hadaba marka dib loogu noqdo wakhtigii Somaliland soo martey marxalada
ugu adag ee Tartanka Doorashooyinka sida doorashadii Madaxtooyada ee
sanadkii 2003dii oo Xisbiga Kulmiye iyo Udub ku kala furteen maryo
dhiigle waxa uu Xisbiga Ucid kaga suntan yahay Taariikhdaasi beerka
jecli xeydha jecli, isagoo si badheedh ah ula saftey Xisbiga Udub,
laakiin maalmo kadib guushii Udub Daahir Rayaale ku tilmaamay inuu
yahay nin dafirey oo albaabka kasoo xidhey, iyadoo sabigu macneyn
karayo ula jeedka eraygaasi in lagaga qiyaas qaadan karo hanka Faysal
Cali Waraabe,inkastoo ay jireen wakhtiyo uu la qaatey doorka
mucaaridnimo Xisbiga Kulmiye oo heerka mucaaradiisu adkeyd loolan
adagina u dhexeeyay Udub, hadana waxa ay dad badani tuhun ka qaateen
Faysal Cali Waraabe Doorashadii Madaxtooyada ee 2010kii oo bulshada
qaarkeed isweydiisay doorkan Faysal ma wuxu u muuqdaa mid han
madaxweyne leh sikasta oo ay rintaasi tahay, waxa dad badani ku margan
jireen Bulshada Somaliland aqlabaiyadoodu khudbadihiisa dabarka isku
noqda oo marka uu Boorama ka khudbadeeyo, iyo marka uu Hargeysa ka
hadlo mararka qaarkood aan la garan karin in uu Madaxweyne Rayaale u
hiilinayo iyo inkale, waxaana xusuus mudan kaambeynkiisii u dambeeyay
ee Doorashadii Madaxtooyada in ay tuhun badan u abuurtey diyaarad uu
kaga degay Gobolada oo uu fududeeyay Ganacsade UK degan.

Hadaba markii Kulmiye guuleystey, kadib Faysal Cali Waraabe oo kamid
ahaa shakhsiyaadkii u horeeyay ee mucaaridada Xukuumada la jiibiya
ragii talada lagala Wareegay ee Siyaasiyiintii Udub , waxa sumcad
badan u keentey kadib markii Madaxweyne Siilaanyo, saq badh Gambadhka
ugula soo fadhiistey Faysal Cali Waraabe cay qaawan oo aan geedna
loogu soo gaban taas, oo mudo badan ku hakisey in uu ku adkeysto
mucaaridada uu kala soo horjeedo Xukuumada haseyeeshee, uu mar kaliya
isbadelay kadib markii laga qeyb galiyay shirar dalka dibadiisa ah
sida Shirkii London, iyo Turkiga taas oo hadana qeyladiisa la dareemay
markii laga reebay shirkii sadexaad ee wadahadalada Soomaaliya iyo
Somaliland.

Gabagabadii, aan usoo noqono isbadbadelada looga bartey, ee ku taxan
siyaasadiisa iyo Xisbiga Ucid ee uu mudada dheer taladiisa kalida ku
ahaa oo Siyaasiyiintii kula jirey ay ku ixtiraami jireen marka laga
reebo maalintii ay uga dareereen ee ay isugu biyo shubteen aasaaskii
Wadani markii ururka uu noqdey, marka aynu dulucda usoo dhaadhacno
islamarkaana, ku qiimayno heerkiisa maanta iyo marxalada mucaaridada
taagan iyo halka uu ka joogo dabayaaqadii sanadkii afraad ee
Xukuumadan, oo uu ku beegneyd markii uu ku guuleystey Xisbiga Ucid
awoodii dhaqaale iyo taageeradii Siyaasadeed ee Jamaal Cali Xuseen iyo
kooxdiisu kusoo biiriyeen Doorashadii D/hoose ee dalka ka dhacdey ka
hor waxa Faysal Cali Waraabe bilaabay mucaaridada u muuqata
dhuumashada dhabarku muuqdo oo aan aheyn mid ku cusub habadhaqankiisa
Siyaasadeed maxaa yeelay maalintii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku
dhawaaqey in uu la midoobay Xisbiga Ucid oo ay Faysal wada galeen
heshiis Siyaasadeed, waxa ka naxay dad badan oo markaa ku dhawaaqey
bilee baritoole isku rogaa sidiisii taasi, ma aha mid aan dhicin
laakiin Faysal waxa uu dhabar jabin muuqata ku sameeyay Jamaal oo ah
Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid marar badan oo uu qoraal iyo afba
ku jabiyay mucaaridada ay ku mideysnaayeen, waxa uu waxba kama jiraan
ku tilmaamay qorshihii uu isagu abaabulkiisa ka qeybta ahaa ee Madasha
Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, taas oo maanta taagan in uu mar
kaliya luqadiisii mucaaridada adag ku aheyd Xukuumada Siilaanyo ku
badelo markii lasoo gaadhay Shirkii Wadatashiga Qaran , inkastoo
caadadiisu awalba aheyd beerka jecli xaydha jecli hadana waxa dad
badani isweydiinayaan kolba hadii Xisbiga Ucid u taageera waayay marar
badan, habdhaqanka Siyaasadeed ee Faysal Cali Waraabe malaga yaabaa in
samirka iyo dulqaadka ay u muujinayaan Jamaal iyo kooxdiisu ku noqdo
nabsi maal aanu ka dabaala karin oo isaga dhabarka ka jabisa isku soo
wada xoori oo Faysal waxa looga bartey in aanu waxba xeerinin marka uu
dhinaca ku jiheysan yahay, waxaana looga bartey inuu luuqad jaban ku
hadlo marka laga af garto dhinaca Madaxtooyada, waxaa looga bartey
isbadbadel fara badan iyo Xisbi uu jeebka kalidii ku haysto, waxaana
mucaaridadiisa lagu soo ururiyay Dhuumashada Dhabarku muuqdo balse
waxey tani raad weyn ku yeelan doontaa Taariikhdiisa dambe.

Axmed Xaaji Zaki Ibraahim Axmed
Hargeysa Somaliland
Email:Zaki33@hotmail.com