Farmaajo Oo Maanta Ku Waajaha Magaalada Garoowe

0
98

Farmaajo Oo Maanta Ku Waajaha Magaalada Garoowe

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa Maanta oo khamiis ah ku wajahan magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Qaban-qaabada soo dhaweynta Maxamed Farmaajo ayaa ka socota Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ee Garoowe, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu ka tago caasimadda Puntland ee Garoowe.

Ujeedka socdaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu yahay sidii uu kulamo wadatashi ah ula yeelan lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona ka wada hadli doona xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha Dastuurka.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga arrinsanaya arrimaha wax ka bedelka Dastuurka oo haatan ay socoto doodiisa ku aadan wax ka bedelka,

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si weyn uga soo horjeeday dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse hadda waxay u muuqato kuwo ka mideysan mucaaradnimada Madaxweyne Xasan Sheekh.