Marka madaxweynihii la doortay aamuso oo loo diiday in saxaafadu sua’lo weydiisana shicibku waxay xaq u leeyiin in la hubiyo in madaxweynuhu xilkiisa gudan karo iyo in kale si aan Somaliland hogaan xumo uugu dhicin. Golaha wakiilada ayaa mossin soo dhiga kara ay ku dal banayaan in madaxweynuhu hor yimaado oo dabeed ay sua’allo ka weydiiyaan xaalada dalku ku suganyay. Hadii wakiilada Kulmiye isku dayaan inay is hor taagaan moosinka waxay cadaynaysaa in Silaanyo waxa hayaa aanay sahlanayan. Haday tuhmaan in aannu madaxweynuhu waxba kala socon wadanka waxa loo yidhi karaa dhakhaatir dhex dhexaad ah oo ajanebiya oo cadeeya in madaxweynuhu leeyey caafimaad uu dalka ku wadi karo iyo in kale. Hadii Silaanyo ka diido wakiilada in uu hor yimaado dabeed shcibka ayay ku soo war celinayaan in madaxweynihi diiday dalab koodii si looga tashado oon dalka lagu halayn madaxweyne aan xilkiisa gudan karin. Golaha wakiiladu haday ku guuleystaan inay soo fadhiisiyaan Silaanyo iyo haduu diido labada jeer ba sida qoraxda ayay u cadaanaysaa in hogaankii dalka cid kale hayso oo Silaanyo aannu ahayn nin wax kala og. Shicibku miyuu sirxanyay miyaanay arkayn in madaxweynihii la doortay aannu muuqan cod kiisana cidi maqlin sua’alana loo ogolayn. Waxa se dadba la wada yaabay waxay isugu dhejinayaan mudo kordhis aan la garanayn cida loo kordhiyey. Qofkii caqli lihi wuu garanayaa in madaxweynihii uu talax gabay oo la qarinayo. Mudo intee leeg baa la qarin karaa. Caqli xumida madaxtooyada taalaa waa tii casral-jaahiligii oo kale.
Abdi Mustafe