Faizal xanuunada ku dhacsan ee aan dawada lahayn ee uu xisbigiisa u bur-buriyey waxa ka mida colaada uu A/rahman Ciro iyo intii ka dareertay u hayo oo aan shaki ku jirin in Waddani kursiga dhoqso u fuulayo. Faizal
calaa-cal iyo cabaad baa ka dhamaaday uu leeyey Ciro madaxweyne noqon maayo anoo nool. Hase yeeshee sifihii uu kaga hor joogsan lahaa ama awoodii uu uugu diidi lahaa Faizal ma hayo haybsanna maayo ee sidii neef baqtiyey uun buu khara-raf leeyey. Talaabo wal oo Faizal qaadaaba waxay sii xoojinaysaa xisbiga Waddani laakiin isagu ma garan karo oo waa nin aan fayoobayn.Faizal Cali Waraabe wuxuu wadaba cidla ayuu xisbigii Ucid dhigay. Wax badan baa la yidhi Faizal Ucid wuxuu ka dhigtay dukaan uu leeyey ama NGO hase yeeshee maanta saaxada siyaasada wuu ka masaxay. Waakaa Cali Guurey ba Waddani u hanqal taagaya ee Faduma Siciid ka baxday ee Abdirashiid iska casilay sidaa darteed xisbi mucaarada oo Ucid la yidhaa ma jiro. Faizal marnaba muu doonayn in xisbiga Ucid uu soo baxo ee wuxuu ka jecelyey in uu ka dhigto weel uu ku dawarsado. Faizal ninkii shaki kaga jiray in uu miyir qabow waa kaa xisbigii Ucid cid waliba ka yaacayso. Faizal waagii faqashtiina waxa lagu eedeeyey in uu xidh-xidhay inamadii UFO. Maantana waaka Ucid xidida u saaray ee kolba xukuumada lacag yar ka qaadanaya ee gacan tiisa ku gowracay Ucid.