Faizal Cali Waraabe isagaa UCID sharci daro ku jooga by Abdi Mustafe

0
756

Faizal Cali Waraabe UCID wuxuu ka dhigtay dukaan uu keligii leeyey oo kolba qofkii u soo gala uu ka iibiyo. Ucid oo baqtiday ayay Jamaal iyo Cabdirasheed nooleeyeen oo dhulka ka soo qaadeen. Maantana iyagii buu ku leeyey iga baxa suuq xaamiya ayaan heystaa oo Mohamed Biixi baan ka iibinayaa. Faizal wuu dhoohanyay ee isma oga hadii maxkamad la isla galo in isagu uu sharci daro ku joogo oo dibada loo tuurayo. Faizal waa bara-rafle aan wax lala wadaagi karin. Buur xeebta Berbera u dhow oo la yidhaa Garba-diir ayaa guga iyo jilaalka ba waxa ka muuqda dhir aan abaartu karin laakiin haday xooluhu cunaan ay ku madhaan. Dabeed kolba nin aan war u ahayn baa reer kiisa u soo rara oo xooluhu kaga madhaan. Dabeed waxa la yidhaa Garba diiri nin daguugan ma waydo. Faizal UCID wuxuu ka dhigtaa buurtaa garba diir oo kale. Muse Biixi oon Faizal caqli dhaamin ayaa ku yidhi iga reeb Jamaal isku beel baannu nahay oo adigu isa soo sharax. Jamaal iyo Cabdirasheed na sharci bay ku joogaan aan la dhaqaajin karayn. Waxa la yidhi waraabaha ayaa saliil yooda oo dhareerku ka madhaa markuu xoolo arko. Faizal wuxuu saliil yooday markuu arkay Mohamed Biixi iyo Samaale iyo Xirsi oo is casilay ayuu hindisay in uu lacag kaga qaato xisbiga hase yeeshee niman dhalin yara ah oo aan Faizal loodin karayn baa Ucid musharixiin ka ah. Haduu Faizal is waalana maxkamada sare ayay u dirayaan in uu sharci daro ku joogo Ucid oo cirkaa loo dirayaa.

Abmustafe123@gmail.com