Fadeexadda Ka Soo Ifbaxaysaa Qalab Iska-Raab Ah Oo Wasaaradda Warfaafinta Yaallay Oo Wasiir Cukuse Xaraashay.

0
853

Hargeisa-(Halsan)-Wasiirka warfaafinta somaliland Cabdilahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa xaraashay qalab iska-raab ahaa oo yaalay wasaaradda Warfaafinta Gudaheeda, kaas oo iskugu jira  Baabuurtii wasaaradda ee  xummaatay iyo agab qalabyo biro ka samaysan ah oo wasaaradda Hudaheeda yaalay kuwaas oo dhamaantood la xaraashay.

Wasiir cukuse ayaa qandaraas ku siiyey is-karaabka Baabuurta Qaranka inuu xaraasho Nin la sheegay inay Ilmaabti Yihiin Wasiir Cukuse. Kaas oo Ibiiye intii Badnayd hadda isaa-goo wasiirka Gacanta ka geliyey Lacag Lagu Qiyaasay inay gaadhayso 300,000 Saddex Boqol oo Kun oo Doolar. Wasiir Cukuse ayaa jeebka ku shubtay Lacagtii ka soo baxday qalabka wasaaradda warfaafintu lahay oo ahaa Hanti dadweyne kaas oo aan, marin giddida qandaraaska Qaranka oo eh Baahinta iyo Ibinta Qalabka wasaaradda yaalay.

Dhacdadan ayaa ah “Fadeexad cadaan ah in Baabuurti Dawladda” halkii laga daryeeli lahaa in  sheekhsi xaraasho, oo jeebka ku shubto Hantidii ka soo baxday ilo wareedyo shabakada wararka ee Xogreebnews la xidhiidhay ayaa sheegay inuu wasiirka aanay cidina la oggeyn tallaabada uu ku iibiyey Gadiidkii wasaaradda oo uu keligii go’aansaday inuu xaraasho.

Isku soo wada duubo maha markii u horeysay ee wasiir cukuse ku dhaqaaqo talaabooyin caynkan oo kal ah, balse waxa ka horeysay dhacdooyiin wis wis leh oo uu dooneyey inuu ku marorsado goobaha dakhligu ka soo galo ee wasaaradda oo uu dhamaantood Lacagta ka Gurtid waxanu wasiir Cukuse Noqon doonaa Nin Masuulkii ugu Musuq-Maasuqa badnaa ee wasaaradda warfaafinta soo maraa.

 

Source Qaran

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here