Fadeexad Cusub oo ka soo korodhay Haamaha Shidaalka Berbera,Dhaamintii Shidaalka oo la xanibay+Lacag Madaxtooyada loo raray & waxa lagula baxay+Wasiirada maaliyada oo…

0
619

Hargeisa(Halsan):-Waxaa isa soo taraya xoggo iyo fadeexado la xidhiidha ama sheegaya in dhaamintii Haamaha Shidaalka Berbera ee dhawaan lagu wareejiyey Ganacsato macaash doona hakad galay,saakana aan hal Litir laga darin,waxayna xogguhu intaas ku dareen in wasiirada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan Xanibtay hawsha dhaaminta Shidaalka lacagayow la leexsaday darteed

Xogguhu waxay sheegayaan in lacagtii canshuurta ahayd ee Wasaarada Maaliyada qaadi jirtay la lunsadey  Tobankii cisho ee hawsha kala wareejinta Haamuhu gurguuranaysay,lacagtaas ayaa ilo u dhuun daloolaa ama xogogaal u ahaa oo ka gaabsadey in la carabaabo sheegeen inay Qasriga madaxtooyada loo raray,Waxaana lagu sheegay cadadka lacagtaas ilaa $400.000.

Lacagtan ayaa  $75.000 oo ka mid ah lagula baxay Tigidhada safarkii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Siilanyo ku tegay UAE,Ireland & UK,halka badhna lagu bixiyey Baabuur Qaaliya oo Qof ka mid ah Qoyska madaxtooyadu iibsadey & Baabuur kale oo Madaxtooyadu qof kale Macrad Hargeysa ku yaala uga iibisay.Wixii lacag ee intaas dheerna waxaa xoogaha loo soo dusiyey Qarannews tibaxayaan in wasiirka Ganacsiga, ku-xigeenkiisa iyo Maareeyihii xilka ka degay ku anbabaxeen ama hore u sii qadhiidheen.

Source: Qarannews