Fadeexad Baratakool Xumo Oo Uu Ku Tallaabsaday Wasiir Waran-cadde Iyo Sawirkii Warbaahinta Ka Soo Baxay

0
638

Hargeysa(Halsan):- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa maanta si baratakoolka ka baxsan oo nidaam darro ah kamaradaha sawirku qabteen, isagoo fadhiya goob nusqaan ku ah milgihiisa shakhsinimo iyo haybadda xilka qaran ee dusha u saaran labadaba.

 

Wasiir Waran-cadde oo shalay kala qeyb galay madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo masuuliyiin kale oo badan xaflad balaadhan oo ay jaamacadda Hargeysa kaga qalin-jabiyeen 930 arday oo ka aflaxay kuliyadaha kala duwan ee lagu dhigto jaamacadaasi, ayaa kamaradaha ka soo baxay isagoo kursi ahayn dul baxay xubno ka mid ah masuuliyiintii qaranka ee xafladaasi iyagana lagu casuumay.

 

Waxa uu cidhiidhsaday oo uu fadhiistay meel cidhiidhi ah oo uu miis  miis yar oo kuwa alaabta la dul-dhigto ah uu fadhiistay, isagoo dusha uga baxay Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax iyo Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Dr.Cali Yuusuf Axmed, sidoo kalena masuuliyiinta ka dambeysa ayuu ka qariyay masraxa munaasibadda.

 

Qaar ka mid ah hawl-wadeenadii xafladda qaban-qaabinayay oo Mareegta Gudgude oo faalladan isku tuba riday la  xidhiidheem waxay u sheegeen inay laftoodu dhaliilsanaayeen meesha foosha xun ee Wasiirku fadhiistay iyo culays ay sheegeen inuu geliyay masuuliyiintii fadhiday halkaasi.

 

Wasiir Waran-cadde ma aha, qof aqoon darro ka hayso baratakoolka, waxaanu ka mid yahay dadka waayo arragnimadda shaqadda lagu majeerto ee shaqaynayay muddo afartan  sanno ku dhow. qormaddan-na ugama jeedno inaanu sifo shakhsi ah wax ugu dhino cirdigiisa, hase yeeshee waxa aan uga gol leenahay inuu hadda ka dib isaga iyo qayrkiiba ay ilaaliyaan haybadda dawladnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here