FADEEXAD ASKAR KA TIRSAN ILAALADA MADAXTOOYADU KU GALEEN SAFAARADDA ITOOBIYA EE HARGEYSA, HANJABAADO AY KU KACEEN, CABASHO MADAXDA ETHIOPIA IYO JAWAABTA SOMALILAND.

0
600

Hargeysa, (Halsan):- Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland, ayaa la sheegay inay sifo sharci-darro ah u galeen gudaha Safaaradda dawladda Itoobiya ee magaalada Hargeysa, isla markaana hadallo hanjabaado ah u jeediyeen Madaxdii joogtay Xafiiska, xilli ay u doonayeen Fiise qof xanuunsanayey sida ay Masuuliyiinta markaa shaqada ku jirtay u sheegeen.

Falkan ay laba Askari lagu sheegay laba ku galeen xarunta Safaaradda Itoobiya oo dhacay Salaasadii toddobaadkii hore, ayaa la sheegayaa inay ugu hanjabeen inay dalka ka guurto Safaaradda Itoobiya, haddii aanay bixinayn Fiisayaasha dal-ku-galkooda, isla markaana ku xannibeen Albaabka Safaaradda Gaadhi Ambalaas ah.

Tallaabada Askartaasi ilaalada Madaxtooyada Somaliland ka tirsani ku galeen gudaha Safaaradda iyo hadallada hanjabaadahooda, ayaa ilo ku dhawdhaw Safaaradda Itoobiya u xaqiijiyeen ee Hargeysa Wargeyska Himilo inay si weyn uga cadhoodeen Madaxda Safaaraddu, una gudbiyeen cabasho xooggan oo la xidhiidha arrinkaa Madaxda Somaliland, isla markaana keentay inuu hakad ku yimaaddo bixinta Fiisayaashii Xafiiska Safaaradda Itoobiya ku bixin jiray Baasaabboorka Somaliland.

Ila-wareedyada Wargeyska Himilo la xidhiidhay, ayaa u xaqiijiyey in Madaxda Safaaradda Itoobiya cabashadooda ay gudbiyeen ku sheegeen inay ka bixi doonaan Somaliland, sababo ammaankooda la xidhiidha, haddaanay helin ballan-qaad ay dawladda Somaliland ugu dammaanad-qaadayso sugitaanka nabadgelyadooda.

 

Geesta kale, Wararka la xidhiidha dhacdadaas ee uu Wargeyska Himilo helay, ayaa intaas ku daraya in Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibeddu qoraal raalli-gelin ah ka bixisay dhacdaas, isla markaana ay u ballan-qaadday Madaxda Safaaradda Itoobiya inay tallaabo deg-deg ah iyo baadhitaanno ku samayn doonaan sababta keentay inay falkaas ku kacaan Askar ka tirsan Ciidamma ilaalada Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale, waxa la sheegay in Xabsiga loo taxaabay tiro ka mid Askarta galay gudaha Safaaradda Itoobiya iyo kuwo kale oo lala xidhiidhiyey inay qeyb ka ahaayeen dhacdadaas, haatanna baadhitaanno ku wadaan Hay’adaha Ammaanka dalka Somaliland. Xogaha Wargeyska Himilo helay ee la xidhiidha arrinkaas, ayaa sheegaya in Safaaradda Itoobiya dib u bilawday bixinta Fiisayaasha Caafimaadka, marka Wasaaradda Arrimaha dibeddu soo xaqiijiso.

Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha dhacdadan fadeexadda ah ka weydiiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire iyo Taliyaha Booliiska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaanay noo suurtoobin inaannu dhankooda wax war ah ka helno, ka dib markii ay ka jawaabi waayeen Taleefannadooda iyo farriimo aannu u dirnay-ba.

Tallaabadan ayaa noqon doonta mid dhaawac Siyaasadeed keenta, haddii aanay Masuuliyiinta Hay’adaha Ammaanka iyo Arrimaha dibedda ay khusayso baadhitaanno qoto-dheer ku samayn, isla markaana sharciga horgeyn cid kastoo uu ku caddaado dembigeedu, sida laga soo werinayo inay ku cabashadooda ku dareen Masuuliyiinta Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa.

 

XIGASHO; Wajaalenews

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here