Muwaadin Soomaali ah qaxootinimana ku joogay dalka Indonesia , ayaa lagu dilay Deegaan lagu magacaabo Tebet oo kuyaala Duleedka Koonfureed ee magaalada Jakarta Caasimada Dalka Indonesia . Marxuunka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamed , waxa uuna ahaa 19-sano jir kunoolaa magaalada Jakarta kana diiwaanagashanaa Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR. Saraakiisha booliiska ayaa ku waramay in Marxuunkan Soomaaliyeed ay dileen kooxo gaangistaro ah oo u dhashay dalkaasi, kuwaa oo xiliga ay dilka geesanayeen la sheegay in ay cabsanaayeen daroogo . Kooxdan gaangisatarad dilka geesatay oo ka koobnaa afar nin ayaa la tilmaamay in xiliga ay dilka geesanayeen ahaayeen kuwa cabsan, waxaana muran uu dhax maray iyaga iyo Muwaadinka Soomaaliyeed kaa oo la tilmaamay in uu si adag ula hadlay gaangiistarada Taliyaha Boliska Deegaanka Tebet, Nuradin A. Rahmat , ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan afarta nin ee dilka geestay, kuwaa oo dilka ay geesteen u adeegsaday gaarcis iyo ceejo ay u geesteen Muwaadinka Soomaaliyeed. Dalka Indonesia, waxaa kunool kumanaan qaxooti ah ay ku jiraan Soomaali kuwaa oo rajo ka qaba in loo qaado Wadamada Mareykanka iyo Canada, waxaa sidoo kale Dalka Indonesia kunool Soomaali ganacsi iyo wabarasho dalkaasi u tagay. |