Faah faahino kasoo baxaya dagaal dhax maray Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Maamulada Puntiland iyo Galmudug ee dalka Somaliya

0
625

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamulada Puntiland iyo Galmudug, ay ka dhaceen deegaan kuyaala duleedka magaalada Gaalkacyo ee somaliya

Dagaalka u dhaxeeyay labada maleeshiyo beeleed ee kasoo kala jeeda Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo  ee somaliya ayaa ku dagaalamay deegaan lagu magacaabo Sarjimaale oo qiyaastii 40-km u jira magaalada Gaalacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Sida aan Wararku ku heleyno dagaalka u dhaxeeyay labada maleeshiyo ayaa la sheegay in uu ka bilowday is qabsi ka dhashay dhul daaqsineed, waxaana lagu guul dareestay in arintaasi xal laga gaaro iyadoona ugu dambeyn uu dagaal sababay murankaasi.

Dagaalka dhax maray labada Maleeshiyo ee kasoo kala jeeda Puntiland iyo Galmudug ayaa waxaa ka dhashay qasaaro kala duwan, walina si dhab ah looma oga qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalkaasi.

Waxaa hada socda dadaalo ay wadaan Waxgarad kasoo jeeda deegaanka uu ka dhacay dagaalka kuwaa oo ku dadaalaya sidii looga baaqsan lahaa in uu mar kale dhaco dagaal dhax mara labada maleeshiyo ee wada degan Gobolka Mudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here