Ex- wasiir Duur Oo Faah Faahin ka Bixiyay Kulan Dalka Turkiga Ku Dhexmaray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland!

0
149

 Ex- wasiir Duur Oo Faah Faahin ka Bixiyay Kulan Dalka Turkiga Ku Dhexmaray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland!

Wasiirkii Hore ee wasaarada Arimaha Gudaha Somailand Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Gudoomiyaha olaha wakiilada Somaliland Cabdirasaaq khaliif ayaa kulan ku dhexmaray dalka Turkia kaasi oo ay kaa hadleen xaalada Colaadeed ee magaalada laascanood.

Siyaasi Duur ayaa qoraal uu soo saaray faah faahin kaga bixiyay kulan ay wada yeesheen gudoomiyaha Golaha Wakiilada jsl cabdirasaaq khaliif iyo arimaha ay ka wada hadleen wuxuna yidhi;

“Gudomiye sidee xal nabadeed lagu helayaa  ?

Allah ayaynu la kaashanaynaa sidii xal nabadeed loogu heli lahaa xaalada cakiran ee ka taagan gobolka sool .

Xalkuna ku Iman maayo dhaqdhaqaaq la’aan , iyo inaynu ku eekaano xaydaabka iyo Rayiga Hal daraf oo keliya , waa in aynu  ogaano Cid kasta sida ay xalka u aragto .

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mr,  Abdirisaq khalif Ahmed ,  waa masuul wayn oo xil wayn ka haya somaliland  waana nin u dhashay dadka iyo deegaanada colaadu ku habsatay , hadana wuxuu dhex joogay oo uu la qaybsaday dhibkii dadkiisii iyo deegaankiisii !

Hadaba waxaan safar duulimaad oo saacad qaatay ugu tegay Gudomiyaha oo hada ku sugan magaalada Ankara ee dalka Turkiga . Anigoo intii colaadaasi jirtay ka maqnaa dalkii hadana u ku sii jeeda , waxaanu ka duulay su’aashaa kor ku xusan ,  sidee xal loo heli karaa ? Iyo sidee adoo ka tirsan waayeelka ama odayba u ah  labadii dhinacba (somaliland iyo dadka deegaanka) sideed gudoomiye xal u araagtaa ? Waa su’aal aragtidayda qof labadii dhinacba meteli kara mudan in lay waydiiyo , waa su’aal xogogaal raadin u noqon karta marka la eegayo gaar ahaan Gudomiyaha oo hada mudooyinkii danbe  ku sugnaa in badan gudaha laascanood .

Waa waxaan qabo hadii aan dareenka walaalka aanad  hayn oonad ogayn wuxuu qabo , si kasta  haloo kala fogaadaa xal Iman maayo .

Hadii aan lays tixgelin labada dhinacba oo Cid kasta dhegaysato waxay jeceshahay oo keliya xal Iman maayo .

Xalku waa inaad dhegaysan kartaa waxa Kan  ku diiday ama kula diriray uu  qabo  .

Guud ahaana waxa marag ma doon ah , inaanay jirin Cid guul ku gaadhaysaa colaad iyo dhiiga dadka walaalaha ah ,  xal waa ma huraan waqtiga se uu Imanayo ayaan cid ogi jirine , yaan laga quusan wanaaga iyo raadintiisa .

Taladii uu bixiyay gudoomiyuhuna inta xal raadinta u dadaalaysa ee culimo iyo waxgarad lehina waa ogaan karaan waana la wadaagayaa insha allah”

W/Q: Maxamed Nuur Caraale Duur.