Ethiopia Oo Doortay Gudoomiyihii EPRDF islamarkaana noqonaaya Raysalwasaaraha dalkaa

0
820

Ethiopia Oo Doortay Gudoomiyihii EPRDF islamarkaana noqonaaya Raysalwasaaraha dalkaa

 

Xisbiga Hogaamiya dalka Itoobiya Ee ay ku midoobeen Axsaabta badan ee EPRDF ayaa caawa iska dhex doortay guddoomiyaha Xisbigaasi Hogaamin doona.

Xilkan ayaa loo doortay in uu hogaamiye Xisbigaasi  Dr. Abiy Ahmed, waxaana loo badinayaa in uu noqon doono Ra’isal Wasaaraha Cusub ee Wadankaasi, waa hadii ay uu helo kalsoonida baarlamaanka wadankaasi oo la hor geyn doono.

warkan oo lagu baahiyay FANA ayaa intaasi ku darayaa in mar hadii uu xisbigu U Doortay Dr. Abiy Ahmed, in uu noqdo guddoomiyaha Xisbigaasi ay u badan tahay in loo raaciyo xilka Ra’isal Wasaarenimo.

wararka ayaa intaasi ku daraya In Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka wakhtigan Demeke Mekonnen uu sii hayn doono xilkaasi, hasayeeshee Dr. Abiy Ahmed ayaa ah guddoomiyaha xisbiga Qoomiyadda Oromada ee the Oromo Peoples Democratic Organization (OPDO). 

 Dr. Abiy Ahmed ayaa ka soo jeeda Qoomiyada ugu badan dalka Itoobiya ee Oromada, waxaana iska dhalay Aabe Muslim ah iyo hooyo kiristaan ah, waxaana uu noqon doonaa Ra’isal Wasaarihii ugu horeeyay ee haysta diinta islaamka, waa hadii ay codkooda siiyaan baarlamaanka wadankaasi.

 

xaalada wadanka Itoobiya iyo Gedgedoonka siyaasadeed ee wadankaasi ka jirta ayaa si weyn isha loogu hayaa.