Duurxulka Siyaasadda Ee Ku Talo Galka Ah by Rashid Odowaa
Constructive ambiguity
Waxa suurto gal ah inay dad badani ku haftaan ama kala garanwaayaan habka duurxulka siyaasadda ama hadallada maldahan ee la isticmaalo ee u badan af-gobaadsi,Geed kaga kac iyo wax la mid ah.badanaa xaaladdan waxa la isticmaalaa marka dhinacyo is haya la dhex dhexaadinayo si aan arrinta loo sii hurin ayaa dhinac kasta dhabarka la taabtaa,waxay inta badan ku dhisantay laba wajiilayn.
Aragtida ama halhayska noocan ah waxa soo saaray ninka la odhan jiray (Henry Kissinger) waa xirfad ama tactics loo isticmaalo marka dhinacyo is haya lagu dhex jiro haddii Run la sheego ama dhinac lagu caddeeyo waxa suurto
gal ah in la sii kala fogaado,sidaas darteed waa in la dhex dhigaa hadal qoloba si u tarjuman karto oo dhinaca iyada u fiican ka istaagi karto.bal u fiirso arrimahan;-
DAGAALKII LIXDA CASHO
Hadalladan maldahan ee isku murugsan marar badan ayay Qaramada midoobay u adeegsatay arrimo caalami ah waxa ka mid ahaa qaraarkii ay UN tu ka soo saartay 242 ee 1967kii dagaalkii carabta iyo Israel dagaalkan oo Carabta dhul badan lagaga qabsaday ayaa goaamadii Qaraarka waxa ka mid ahaa;-
1-In Israel dhulkii ay qabsatay intii uu socday khilaafka u dhexeeyaa labada dhinac ay dib uga baxdo.
2-In dhinacyada is hayaa waa Israel iyo Carabta e ay soo af jaraan dagalka lana dhowro soohdimaha isla markaana la is ixtiraamo iyadoo dhinac kastaa uu xaq u leeyahay inuu nabad ku noolado.
Halkan laguma caddayn dhulka la leeyahay Israel ha ka baxdo inta uu leegyahay laguma odhan Israel waad Gardarantahay waa maldahaad,Qaraarkan waxa la saaray laba tafsiir (Interpretation) oo kala tagsan iyadoo lagu kala tarjumay labada luqadood ee UN lagaga hadlo Waa Englisha iyo French marka dhinaca French laga eego oo ay xukuumadda France taageeraysay wuxu u muuqday qaraar dhinaca carabta u danaynaya hase ahaattee marka laga eego dhinaca Englishka oo ay taagerayaan Maraykan iyo Britain wuxuu u ekaaday inuu yahay uun woxoogaa in dagaalka uun la hakiyo si aanay xaaladdu uga sii darin.
WAR MURTIYEEDKII SHANGHAI
War murtiyeedkii Shanghai wuxuu soo baxay 1972 markii wafti maraykan ah oo uu hoggaaminayo Richard Nixon ay booqdeen waddanka China, Henery Kissinger ayaa dhex dhexaadiye ugu magacaownaa xagga Maraykankanka xilligan oo ay aad u kacsanayd xaaladda Taiwan war murtiyedkii uu soo saaray waxa ka mid ahaa “Dowladda maraykanku waxay soo dhoweynaysaa in dhamaan dadka China ee labada dhinac kala joogaa waa Taiwan iyo China ay sii jiraan. waxanu aqoonsannahay one China” dee waa run oo dadka China waa isku jinsi ama Taiwan ha joogaan ama China, arrintani way raalli gelisay labadii dhinacba khariidadii Taiwan waxba kamay bedelin hase ahaatee xukuumadda maraykanka waxa u suurto gashay inay badbaadiso dagaal ka dhex dhaca labada dhinac waxayna sii wadday xukuumadda Maraykanku taageerada ay Taiwan siiso illaa maantana waa sidii uun.
Haddaba haddii aan ku soo noqonno hadalka, dhowaan ayuu madaxweyne Muuse biixi Ethiopia booqasho rasmi ah ku tagay waxase hore u jirtay inuu Madaxweyne Farmaajo shaaciyay inuu dhamaan Somalida oo ay ku jirto Somaliland uu albaabka loo Yaqaan Ethiopia ka soo xidhay, dad badan ayaa Rumaysnaa in ariintaasi Hirgashay Waxa xusid mudan dhinaca Somaliland waxbaba kamay soo qaadin shib ayayna ka tidhi hadalkaas Madaxweyne farmaajo,hase ahaatee waxay arrintii ku soo biyo shubatay in Ethiopia iyo raisalwasaare Abby Ahmed ay Soo dhoweyn intii hore kaba sii wayn ay u muujiyeen Somaliland.
Halkan waxad ka muuqda Siyaasadda Maldahan ee laba wajiilaynta ah (Constructive ambiguity) in labada dhinac Waa Somaliland iyo Somalia uu dhinac kasta sidiisa u raalli gelinayo si uu uga fogaado inuu dhinac keliya raaco.dabcan Qawaaniinta caalamiga ah waxa uu ku dhowrayaa ixtiraam uu u hayo umadda Somalida Guud ahaan haddii uu yidhaa Abby ahmed aniga Somalidu waa iskugu kay mid ama Somalia ha ahaato ama Somaliland ma ceebbaa.
Waxay se muhiimadda ugu wayni tahay Dal shisheeye Cidna waxba ma taro ee waxa aad qabsato ayunbaad wax ku tahay, laba dal oo kala tagayna xoog iskuguma soo celin karo hadba meesha uu dantiisa ka arko ayuunbuu Raacayaa Cidda kalena Farsamo fiican iyo afgobaadsi ayunbuu kula socon doonaa.Maaha sida dadka Qaarkii moodaan in waddamo shisheeye cid qasbi karaan ama umad iyagu waxba dhisan waayay ay wax u dhisayaan waayo Abby ahmed Gobolkii Oromia ee uu ka dhashay iyo Gobolkii Tigreega ayuu la ildaranyahay oo mucaarid ku ah.markas dadka raadinaya Somali wayn waxan leeyahay ha ku hungoobina hana u riyaaqina hadallada Caalamiga ah ee lagu raalli geliyo umadaha ee Geed kaga kaca ah.
Rashiid Odowaa
063-4101213