DUULAANKA MASKAXDA!

0
855

DUULAANKA MASKAXDA!

Qalinkii: Ahmed Ali Kaahin

Waxa duulaankani ,ku jihaysan yahay, ka hortaga ku dhaqanka shareecada islaamka, dhinacyada waxbarashada,, isku xukunka , iyo qaabka dhaqan dhalqaale, ee samaawiga ah, si loogu doorsado, diin afka baarkiisa ah, oo nolosha iyo ku raaxaysiga waxyiga ka fog, kuna ladhantahay,in awooda sare la siiyo caqliga.

Siday ku caanbaxeen dadyawgaa, dunida inagula nooli, ee diin ahaan, aan aad u kala fognahay, marka la eego rumaynta, suubanihii lagu soo khatimay, hagayaasha nolosha ee aadamaha, loona yaqaano Rusul, ama dhambaal sidayaal.

Hagayaashu way kala duwan yihiin, sida ay u kala duwan yihiin, waxaana lagu kala saara, qolba waxay ka aaminsantahay noloshan ,iyo waxay ku dambayn doonto, oo ah halka doodad, adagi ka taagan tahay, waa waxa loo qayaan, (Qayb), oo ah halbeega kala saaro, diimaha samaawiga ah, iyo kuwa jeebka laga soo baxay, waxaan kuwa samaawiga ah, lagu sii kala saaraa, waa rumaynta Dhambaal sidiihii u dambeeyaya, amaan iyo salaam dushiisa ha ahaadtee, waa Suubanihii Nabigeenii Muxamad ahaa, kaasi oo jacaylka Rabbi uu ka horaysiiyay kiisa Swt sida quraanka ku cad.

Dimuqraadiyadu waa u hogaasanka rabitaankaaga, ama ha samaado ama ha xumaado, waxa kaliya oo kaa xigaa waa in gacmaha kor lootaago, dabadeedna lagu dhaqmo, cidii diidana cod lagu muquuniyo, qaabkaani, malah ma uma quruxbadana aadamahan  sheegtay in uu dayaxa kasoo waramay.

Qaabkan  oo bulshooyinkaasi rabitaankooda, shakhsiga ah, ee ugaara qof xun, iyo mid fiicani isku muquuniyaan, miisaanka qaldan ee aan qalad iyo sax aqoon, aqoonina ka dheertahay, ee yaa badan, ma xumaan quutayaasha, mise kuwa kasoo horjeeda, ee loolanka kula jira, bulsho kastaana ,way leedahay labadaa nooc ee dadka ah. kolba ka hadalka ku guulaysta, uunbay guusaha dimuqraadiyadu raacdaa, Diin la’aan baan u aqaanaaye, balse tiirar fiican bay leedahay, hanaku dagmin waa sun malab lagu qooshaye.

Balse waxa qosolku ka joogaa, in shuruucda qarsoon ee bahashaasi, yahay,

  1. Ku dhaqan, oo ku hag qaab noleleedkaaga, waxa loo yaqaan, dimuqraadiyada, balse, qaabkaan ug dhaqano, ha ugu dhaqmin, sida doorashdii,masar,Jasaa’ir, iyo falastiin, oo loo diiday, xaqoodii in la doortay, loona sheegay, in shacabku, qaldameen, dibna laga saxay,
  2. Nuxurku, waa qaado, nidaamkan balse, go’aanka, anagaa leh.
  3. Dhaqanka Suubaan, waa dib udhac, halka dhaqanka xooluhu ka khasaafaan,  in laba isku sinji ahi wax iska dayaan,lagu faano, waa halkii ninkii Ciise, ee lagu yidhi caddan baa ragga, wax laga dayaa, ee yidhi waar bilaawaha isii, ee ismariyay, sida lasoo wariyo, wanaagu waa lafta iyo dhuuxa ay dhex fadhido, caqiido, wanagaaga iyo hanka sare, iyo sungaanta saxan,

Qaabkan ismuquuninta ku dhisani waa in lagu meel mariyo, cod iyo in waxbarashda,(far huguriga awooda lasaaro)iyo in la isticmaalo, qaabka dhaqaale ee ribada, ku salaysan, iyo in dhaqanka, lagu mashquuliyo bulshada, si looga jeediyo dhaqankooda dhabta ah, ee diinta islaamka, iyo hidihii iyo dhaqankii, laga soo dheegay dadnimada iyo in wanaagu sareeyo, markasta iyo meelkasta, lana moodo laba is dhalay, waa dhaqankeenii iyo diinteena, isku eekidooda, waana astaan leh bildhaan dheer, oo dad badani soo bildhaansado, waanaageeda iyo waafinimadeeda, gobanimo gun iyo baar u tahay.

Runtii dadka gaaladu, caddaawada ay muslimiinta u qabaan, waa mid quraanka kariimka ah ka buuxda kuna cad yihiin aayada sida “ raali idinka noqon maayaan ,ilaa aad raacdaan”  waxay ku bixinayaa adduun si ay dadka uga leexiyaan dariiqa toosan” balse maadaama aan bulshooyinka islaamka lagaga adkaanin, burhaanta ama doodaha furan ee ilbaxnimadu sal u tahay,mana dhimato,balse way bukootaa.

Tabaha iyo dariiqyada ay  diirada ay saaraan, ee ay dadka kasoo galaan, waxa halku dhig u ah, in dhaqanka la buun buuniyooo heerkiisa meel dhaafsiisan lagaadhiiyo, iyo awooda aadamaha, oo isna heerkiisa la dhaafiyo, iyocaqliga oo lakormariyo xayndaabkiisa diimeed, iyadoo isha laga lalinaayo dhamaan tubaha toosan,

waxa dunida ka caana duulaanka loo yaqaan, duulaanka maskaxda oo meelo badan biyo dhigay ,waana yool aad ilayska loogu raadsho si loo hanto, waxa loo soo maraa waddiiqooyin, iyo gacmo sokeeye oo si hoose iskugu tallaalan,  waana mawjado culus oo u ciilan,  dhaxal wareejinta ,Caqiidada saafiga ah, ee samaawiga ah una dambaysay dhambaaladii xaga rabi kayimid.

Dagaalkanina maaha mid cusub ee waa soo jireen guuna,waxa uu soo laba kacleeyaa markasta oo dadka islaamku daciifaan, ama bukoodaan, kana gaabiyaan ku dhaqanka iyo ku dhaganaanta milgaha suuban ee ku salaysan Quraanka iyo Sunaha, waxa ka faaiidaystaan bukaanimadiisa,sababna u tahay marka dadkiisu ku qarqoomaan dhaldhalaanka adduunyada, balse ma dhinto ee dhul u dhiciisa ayaa fursad wayn u ah Allaa Koodyada.

In wixii qaloocan laga aamusaa waa nacasnimo, in si haboon loo saxana waa caqliga wanaagsan, iyo dhaqanka suuban ee sunaha nolasha Rabbi, jiheeyey,si sees, sugan oo saafiya, loo salaxo.

Waxa dhacay kulan ay jilbaha isdhigeen ,Culimada, iyo Maamulaha, Carwada buugaagta hargeisa, basle waxa uu u muuqday kulan la isku sawiray, oo aan la shaacin ajendaha, uu ku qotomo, kulanka laguna lafaguray, iyadoo cida dalbatay ilaa hada mugdi ku jiro, halka dadka qaar qabaan in ay ahayd irbada hurdada, oo lagu mudayo culimada ,si aanay uga hor iman, habka iyo hanaanka miisigu lu dhanyahay, ee suntan, summa saacuhu, dusha laga mariayay, malab macaan oo saafi lamoodo, muddana huursanaa,

Taasoo culimadii in yar oo dhiig lihi,gaashaanka u daruureen, meel adagna iska taageen, Balse arrinta shakiga keentay ayaa ah, in aan ilaa hadda lahayn ,war sugan oo ku saabsan kulankaa., marka laga reebo in warbaahintu, baahisay sawiro, iyo in kulanku qabsoomay,taasi oo dabka kusii shiday shakigii ahaa, in meeshu tahay, guri calmaaniyadeed, oo diinta, dhaqanka iyo dhuuxa, reer Somaliland, u ah halis ay huursanayaan.

Haddaba dadbadani, waxay su’aal galiyeen, in qaabka uu u waajahay mulkiilaha, goobtani yahay, qaab aad u heersareeya, marka la eego qaabka farsamo, ee uu ula tacaalay kacdoonkan, yare e culimadu is xilqaameen, taasina keentay in markaliya, sheekadii hawada ka baxdo, loona tarjumto, in culimadu baarigeen,balse waxaan marna la ilaabi karin in ay jiraan qaar heegan ugu jira, gudbinta warkii ugu dambeeyay ee gabagabada waxyiga samda, inaga soogaadha, dhamaan aadamaha.

Dadka qaarna waxay u arkaan  in aanay falaadhi gilgilasho kaaga gu’in oo barnaamijka agandihiisu cadceeda ka cadyahay oo yahay duulaan maskaxeed oo badhaxla.

Ahmed Ali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com

 

 

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

Attachments area