Waxa saaka xoriyadiisii dib u helay Dr Maxamed Yasiin Xasan Wasiirkii hore ee Dekaddaha Somaliland,kana mid ah Masuuliyiinta xisbiga Waddani oo mudo dhawr cisho ahba gacanta ugu jiray Xukumada Somaliland ka dib markii isaga oo ka dhoofaya gagida diyaaradaha ee Egal Airportka ay booliska Somaliland xabsiga u taxabeen.
Weli Ma cada ujeedada rasmiga ah ee Ex Wasiir loo xidhay,waxynuna ogaan doonaa dhawaan marka uu saxaafada la hadlo.
Wararku la isla dhex marayaa waxay sheegayaan in Commissionka Somaliland ay ka danbeeyaan xadhigiisa,Weli se wax war ah lagama hayo in Commissionka ay xidheen.
Waxay ay ahayd dhawaan markii Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani oo uu ka mid yahay ay soo mandhigeen buug la sheegay in la helay oo saxaafada losoo bandhigay.
Sidasoo kale waxay xabsiga ku jira Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Waddani oo weli gacanta dawlada Ku jira.