- CALI YUUSUF OO RAJO WANAAGSAN KA MUUJIYAY WADA HADALADA SOMALILAND IYO KHAATUMO –
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey Shirka Somaliland iyo Khatumo oo wejigiisi labaad lagu qabanayo dalka Jabuuti, waxaanu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in shirkani is fahan ku soo dhammaan doono.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qiimaha sarifka ee hoos u dhacay iyo maceeshada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Cali Khaliif Odayaasha Wadanka Somaliland ayuu ka tirsan yahay, barigii wadanka lagu soo noqday shirkii la iskugu tagay Burco, ee Somaliland xukunkeedii dib ugala soo noqotay Somaliya, Shirkaas uu joogay, Shirkii Boorama lagu qabtay uu joogay, marka waa Odayaashii Saldhiga u ahaa aasaaska Somaliland, marka waanu soo dhaweeynaynaa Cali Khaliif, Shirka Jabuuti ka dhici doonana waxaan rajaynayaa in la isku af garan doono”.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiilada mar uu ka hadlaayey Sicir bararka maceeshada iyo qiimaha sarifka ee hoos u dhacay ayaa yidhi “Maceeshadu badankeedu dibada ayey inooga timaada, waxayna ku saleeysan tahay sarifka doolarka, kolkaas hadlba halka uu sarifka doolarku marayo ayaa lagu sar gooyo ayaa loo baahan yahay, waxaana sidoo kale loo baahan yahay inay ganacsatadu dadkooda masaakiinta ah hoos u eegaan oo maceeshada u jabiyaan, madaama wakhti aad u adag lagu jiro”.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiilada mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko shirka deg dega ah ee uu Madaxweynuhu iskugu yeedhay labada Gole ayaa hadalkiisi ku soo koobay “Insha allaah marka ay timaado ayaan ka haddli doonaa