Dowladda Somalia oo eedeysay Kenya kana hadashay bahdilkii RW Cumar C/rashiid

0
630

Muqdisho(Halsan):-Dowladda Federaalka Somalia ayaa qoraal ay soo saartay waxay ugu hadashay dhacdadii bahdilaada garoonka Joma Kenyatta kala kulmay ra’iisul wasaarahe Cumar C/rashiid iyo xubno ka tirsan golaha baarlamaanka, kuwaasi oo mudo habeen iyo maalin ah ku xanibnaa garoonka.

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in wafdiga ra’iisul wasaaraha, gaar ahaan xildhibaanadii la socday in lagula dhaqmay sharci ka baxsan midka diblumaasiyadeed, waxayna Dowladda ku eedeysay Kenya in ay jabisay heshiis horay u dhex maray labada dowladood oo dhigayay in xili kasta ay mas’uuliyiinta dwladda iyo baarlamaankaba gudaha u galaan Kenya iyadoo aan dib u dhac laheyn.

Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, horay waxa ay u kala saxiixdeen heshiis is faham (MOU), kaasi oo dhigayay in xubnaha sare ee dowladda FS iyo xildhibaanada Baarlamaanka inay helaan ogolaansho dal ku gal waqti kasta (issuance of visas on arrival) mar kasta oo ay u safraan dalka Kenya, iyada oon dib u dhac laheyn, waxaase nasiib darro ah in dowladda Kenya ay jebisay heshiiskaasi” ayuu lagu yidhi qoraalka ay soo saartay dowladda Somalia.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomlia, ay ka sugeyso hogaamiyeyaasha dowladda Kenya cudur daar rasmi ah iyo faah faahin la xidhiidha dhacdadaasi iyo sababta keentay xanibaada wafdi heerkiisu sareeyo oo uu hogaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada.

Ugu danbeyntii qoraalka dowladda Somalia, waxay ka fikireysaa jawaabta ku haboon ee dhacdadaasi foosha xun ka bixin laheyd, iyadoo la sugayo in dalka kusoo laabtaan madaxda sare oo dhamaantood ka wada dhoofay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here