Dowladda Masar oo xil ka qaadis iyo xabsi isugu dartay wasiirkeedii dhaqanka iyo hidaha

0
639

Magaalada Qaahira ee wadanka Masar waxaa ka dhacday arrin walaac weyn ku abuurtay shacabka iyo madaxda Dowladda dalkaasi, kaddib markii xabsiga la dhigay mid ka mid ah wasiirada dowladaasi.

Wasiirkii hidaha iyo dhaqanka Dowladda Masar ayaa laga qabtay xilli uu ka soo baxayay shir ay lahaayeen Golaha Wasiirada, kaddib markii lagu amray inuu xilkaasi ka dego.

Dembiyada lagu soo eedeeyay Wasiirka hidaha iyo dhaqanka Masar Salax Hilal ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin musuq maasuq iyo wax daba marin.

Ilaa iyo iminka lama sheegin goorta maxkamad la soo taagayo Wasiirka, iyadoo tallaabadani ku soo beegmeyso xilli dalkaasi ay ka dhacayaan rabshado iyo dagaallo u dhaxeeya Dowladda iyo kooxaha islaamiyiinta ah.