Dowlada Turkiga oo shaacisay cida ka danbeysay Qaraxii ka dhacay magaalada Istanbul

0
633

Dawladda Turkiga ayaa xaqiijisay in weerarkii ka dhacay magaalada Istanbul maalintii sabtida aheyd ay ka danbeysay Kooxda Daacish ee ka dagaalanta wadamada Ciraaq iyo Syria.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada amaanka ay u qabteen ilaa shan ruux oo daacad u ah Kooxda Daacish kuwaasi oo lala xiriirinayo qaraxaasi ka dhacay goob mashquul badan oo laga dukaamaysto oo ku taalla magaalada Istanbul.

Dadka Qaraxaasi ku dhintay ayaa waxaa kamid ahaa laba ruux oo dalka Israa’iil u dhashay, heysatana baasaboor Mareykan ah iyo qof Iiraan u dhashay.

Dowladda Turkiga ayaa adkeysay ammaanka dalkeeda waxaana socda baaritaano dheeraad ah iyadoo heegan la geliyay ciidamada ammaanka si ay uga hortagaan weerarro kale oo ka dhaca dalkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here