Dowlada Malaysia oo Jawaab Deg deg ah ka bixisay Amar kasoo baxay Waqooyiga Kuuriya

0
706
Dowlada Malaysia oo Jawaab Deg deg ah ka bixisay Amar kasoo baxay Waqooyiga Kuuriya

 

Dilkii Kim Jong Nam loogu geestay magaalada Kuala Lampur ayaa dhaliyay khilaaf xun oo soo kala dhax galay labada Dowladood ee Waqooyiga Kuuriya iyo Malaysia, waxaana khilaafka uu hada maraya meeshii ugu xumeed.

Dowlada Waqooyiga Kuuriya oo ka careesan baaritaan ay dowlada Malaysia ku sameesay dilka Kim Jong Nam oo la dhashay Hogaamiyaha Kuuriya ayaa soo saartay amar ku aadan in Muwaadiniinta u dhashay Malaysia aysan ka bixi karin Waqooyiga Kuuriya ilaa amar dambe.

Dalka Waqooyiga Kuuriya waxaa ku sugan dad aan badneyn oo u dhashay dalka Malaysia, waxa ayna dadkan ka shaqeeyaan Safaarada Malaysia iyo kuwa iyana u shaqeeya Hay’adaha UN-ka ku leedahay Kuuriyada Waqooyi.

War kasoo baxay Dowlada Malaysia ayaa lagu sheegay tilaabada ay qaaday Kuuriyada Waqooyi in ay u muuqato mid afduub ah oo loo geestay Muwaadiniinta Malaysia ee kunool dalka Waqooyiga Kuuriya.

Dowlada Malaysia ayaa dhankeeda soo saartay amar iyana ku aadan in dadka u dhashay Waqooyiga Kuuriya aysan ka bixi karin dalka Malaysia sida uu ku dhawaaqay Raisul wasaaraha dalkaasi Najib Razak.

Malaysia ayaa tuhunsan in dilkii garoonka Diyaaradaha Kuala Lampunr loogu geestay Kim Jong Nam ay ku lug laheed Dowlada Waqooyiga Kuuriya, waxa ayna Malaysia dalbatay sedxex nin oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dilkii Kim Jon Nam.