Dowlada Kenya oo soo bandhigtay Magaca Taliye sare oo katirsan Al Shabaab oo Duqeyn lagu dilay

0
741

Milatariga dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen gobolka Gedo ku dileen taliye sare oo katirsanaa Dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamo uu watay.

War kasoo baxay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in ay dileen taliye K/xigeenkii Al-shabaab ee Gobolka Gado Cali Shangolow iyo Dagaalyahanno ka tirsan kooxdaasi, kadib Duqaymo iyo howlgal ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobolka Gedo intii u dhaxasay 25-26 April, 2017

Afhayeen u hadlay Milatariga Kenya ayaa sheegay in sargaalkan katirsan Al Shabaab iyo dagaalyahano uu watay ay ku dileen weerar ka dhacay deegaanka War-Gaduud oo u dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka gedo.

Dowlada Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in duqeymo ay diyaaradahooda ka fuliyeen gobolka Gedo ku dileen dagaalyahano kale oo katirsan Al Shabaab , Kenya ayaana dhankeeda ka hadlin in howlagalada ay fuliyeen uu khasaaro kasoo gaary.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa marar badan duqeymo waxa ay ka geesteen deegaano katirsan gobolka Gedo, duqeymaha qaar ayaa waxyeelo waxa ay kasoo gaartaa dad shacab ah oo ku sugnaa goobaha la duqeeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here