Hargeysa( Halsan ):-Wararka naga soo gaadhaya Xarunta guud ee ay kasooo dhamaatey Tirinta ayaa sheegayaa in hada tirada ee uu xisbiga Kulmiye dheeryahay aya wali kor u dhaafayso 80 kun , halkaasina ay a afjarmeyso doorashadii maalmahanba aadka loo sugayey natiijadiii kama danbaynta ahayd ee codbixinta doorashada Somaliland .
Natiijada Rasmiga ah ee kama danbaysta ah ayaa sheegaysa in Kulmiye uu ku badiyey
Gobolada Maroodijeex, Saaxil, Awdal , Togdheer iyo gobolka Sool, halka gobolka Sanaag uu u horeeyo xisbiga Wadani, tani waxay soo afjaraysaa wararkii badnaa ee bulshada Reer Somaliland ay lsla dhex maraysay , mid kastaana uu u dhigayey sidii uu jeclaa, inkasta oo wararka qaar ay ahaayeen kuw sax ah.
Gudida doorashada Somalialnd Somaliland ayaa dedaal dheer u galay in doorashadan noqoto mid cadaalad ku dhacdo, isla markaan habkasta oo ay ku hbinayaan tirada saxda ah ee codbixiyaasha sameeyay.
Waxaa siido kale aad ugu amaanan ciidanka Amaanka oo isagu sugay amaanka dalka, meelaksta , iyagoo heegan ugu jirey in ay qabtaan cid kasta oo iksu dayda inay carqaladaysoo hanaanka fiican ee doorashada loou talo galey.
Wali war rasmi ah kama hayo xisbiga laga guuleystey inuu aqbalayo iyo in kale balse, waxa hubaal ah in hada ay wada tashi kadib ay danta umada ka hormarinayaan wax kasta, aqabali doonaana natiijada kama danbeysta ah ee ay ku dhawaaqayaan Gudda Dorashada Somaliland.