Hargeysa(Halsan): -Doon siddey muhaajiriin u sii jeeddey dalka Talyaaniga ayaa xalay saq badhkii shaley ku qarqoontey badda Mediterranea-ka,doontan oo siddey in kabadan 200 muhaajiriin ah,kuwaasi oo ka soo tahriibey xeebaha dalka Liibya.
Dadkan ay doontu la qarqoontay ayaa dhalasho ahaan ka soo kala jeeddey waddamada Sudaan,Itoobiya iyo Somaaliya.
Qof Soomaali ah oo ka soo badbaadey doontan qarqoontey ayaa laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da u sheegey inay dhinteen boqollaal qof oo ay isla socdeen ayna qarqameen kaddib markii ay degtay doontii ay saarnaayeen.
sidoo kale Waxa uu sheegey in ay doontu degtay habeen badhkii, kaddibna waxaa badbaadiyay Markab ganacsi.
Dadkii magafayaasha ahaa ee waddey dadkan muhaajiriinta ah ayaa u sheegey in ay ku wareegaan doon kale oo iyana siddey in kabadan 300 muhaajiriin oo kale,waxaana ay doontii ku degtey baditeranean-ka.
Sidoo kale ninkan Soomaaliga ah ayaa u sheegey in uu arkayey dad Soomaaliya oo badda ka dhex qaylinayey,iyaga oo doonayey in la badbaadiyo.
Geesta kale Dadkan ka badbaaday doontey qarqoontey ayaa immika lagu hayo dalka Giriigga.