Donald Trump oo lagu daray diiwaanka khataraha Midowga Yurub kaga soo fool leh dibeda

0
670
Donald Trump oo lagu daray diiwaanka khataraha Midowga Yurub kaga soo fool leh dibeda

 

Donald Tusk oo ah Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, ayaa madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ku daray diiwaanka khatarta Midowga Yurub dibeda kaga soo wajahan .

Qoraal uu u diray hogaamiyayaasha Midowga Yurub, ayuu ku sheegay in hadallada ka soo yeeraya madaxweyne Trump ay khilaafsan yihiin siyaasadda arrimaha dibedda ee uu Mareykanku ku dhaqmayay todobaatankii sano ee u dambeeyey.

Tusk ayaa sheegay in Midowga Yurub uu wajahayo caqabadihii ugu xooganaa tan iyo markii la aasaasay.

Qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Yurub ayaa sidoo kale ka walaacsan hadaladii uu ololihiisa ka sheegay Mr Trump.

Waxa ay si gaar ah uga walwalsan yihiin jilicsanaanta uu u muujiyay Ruushka, iyo fekerka uu ka aaminsan yahay gaashaanbuurta NATO iyo Midowga Yurub.

Donald Trump ayaa Midowga Yurub horey ugu tilmaamay gaari uu Jarmalku ku adeegto. Wuxuuna ammaanay go’aanka ay Britian uga baxeyso Midowga Yurub.