Donald Trump oo ka niyad jabay fashil ku yimid qorshe uu doonayay in uu hirgalo |
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay fashil ku yimid sharci iyo qorshe uu ku doonayay in meesha looga saaro adeega caafimaad ee loo yaqaan Obamacare uu hirgaliyay Madaxweynihii ka horeeyay. Waxa uu sheegay Donald Trump in uu aad uga niyad jabay bur burka ku yimid sharci cusub uu doonayay in meesha looga saaro adeega Caafimaad ee Obacare uu horey u balan qaaday in uu meesha ka saari doono. Xisbiga Jamhuuriga uu katirsan yahay Madaxweynaha ayaa dib ula noqday hindi sharciyeed meesha looga saari lahaa Obamacare kahor inta aan la horgeyn codna aysan u qaadin Koongareeska dalka Mareykanka. Madaxeynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa intii uu ku jiray ololihii doorashada waxa uu balan qaaday in uu meesha ka saari doono adeegga caafimaad ee Obamacare ay hirgalisay dowladii hore. |