Diyaarada Turkish Airways Oo Si Qarsoodi ah ku Timid Muqdisho iyo Madaarka Oo Si Wayn Amaankiisa Loo Adkeeyay

0
609

Muqdisho(Halsan):- Shirkadda Turkish Airways ayaa shalay dib u bilowday duulimaadkeedka Muqdisho, ka dib markii Garoonka diyaaraddaha Muqdisho isbadal dhanka amaanka ah laga dareemayaa, kadib qaraxii 2-dii bishan ka dhacay gudaha diyaaradda Daallo Airlines xili ay hawada ku jirtay, waxaana garoonka lagu soo kordhiyay Eyda dadka iyo boorsooyinka baadha.

Ciidamo boolis ah oo si gaar ah u tababaran ee loo yaqaan RRT ayaa ka qeyb qaadanaya baadhitaanada dadka dhoofaya iyo kuwa soo degaya, kuwaasi oo adeegsanaya Eyda u tababaran urinta waxyaabaha qarxa iyo hubka.

Eydan ayaa dadka urinaya, boorsooyinka iyo Laptop-yada ay wadaan, kadib marka ay ka gudbaan baadhida eeyaha ayaa haddana waxay sii marayaan mashiinka scanka ee lagu arko wax walba oo qofka uu sito.

Diyaaraddii Daallo Airlines ee qaraxa lala beegsaday ayaa loo adeegsaday Laptop, taasoo keentay in dadka wata si adag loo baadho, iyadoo qofka lagu amrayo inuu shido computerka

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay adkeysay amaanka garoonka si looga hortago fal kale oo wax u dhimaya amaanka iyo sumcada garoonka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here