Dilalka loo geesanayo Raga Bidaarta leh ee kunool gobolka Zambezia oo korortay iyo booliiska oo ku raad jooga ..

0
697
Dilalka loo geesanayo Raga Bidaarta leh ee kunool gobolka Zambezia oo korortay iyo booliiska oo ku raad jooga ..

 

Wararka ka imaanaya dalka Muzambik ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan beegsiga iyo dilalka loo geesanayo raga bidaarta leh ee kunool gobolka Zambezia, waxaana ragan loo dilayaa arin quraafaad ah oo sheegasya in Madaxooda uu ku jiro dahab .

Booliiska gobolka Zambezia ee dalka Muzambik ayaa sheegay in ay sii kordhayaan beegsiga raga bidaarta leh, waxa ayna sheegeen in gobolkaasi dhoor qof lagu dilay maalmihii lasoo dhaafay kuwaa oo ahaa rag bidaar leh halka kuwa kalana ay isaga barakaceen si naftooda u bad baadiyaan.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ilaa hada ay xireen afar qof oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilal loo geesatay rag bidaar lahaa, waxa ayna ciidamada sidoo kale ku raad joogaan dad kale oo ku lug leh dilalka raga bidaarta leh ay ku jiraan dad kasoo jeeda Wadamada dariska la ah Muzambik.

Booliiska ayaa si weyn uga shakisan in arintan quraafaadka ah ay ka dambeeyaan dadka wax ku daweeya quraafaadka iyo daawo dhaqmeedka si Madaxyada raga bidaarta leh loogu keeno ayna dad ugu daweeyaan, waxa ayna booliiska ku jiraan baadi goobka dadka lagu tuhmayo in ay soo abaabuleen weerarada raga bidaarta leh.

Dalka Muzambik gaar ahaan gobolka Zambezia ayaa waxaa ka bilowday weeraro ka dhan ah raga bidaarta leh kuwaa oo la sheegay in madaxooda uu dahab ka buuxo, waxaana weeraradan ay galaafatay nolosha rag bidaar lahaa oo loo dilay si madaxooda looga helo dahab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here