Digniin shirkadaha shidaalka ee hunguri ka hayo haamaha Berbera by Abdi Mustafe

0
591

Shirkadaha shidaalka ee lacagta istic maalaya ee ku doonaya inay hantida qaranka ee haamaha Berbera gacanta loo soo geliyo ha ka dig toonaa daan in aan khasaare intaa ka badani aannu soo gaadhin. Marnaba suur toobi mayso in Haamaha Berbera dad gaara la siiyo. Shicibku ma ogola,  shaqaalaha haamuhu na ma ogola reer Berbera na geeri bayba ka xigaan. Waxaan idiin cuntami doonin yaan lacag la idinkaga qaadan. Shicibku wuu ogyay in rag ka mida shirkadaha shidaalka ay hadh iyo habeen lacag la wareegayaan oo doonayaan in haamaha lagu wareejiyo. Dowlad wal oo timaadaa si sahlan bay haamaha gacanta dowlada uugu soo celinaysaa idina khasaara ayaa idiinku jira oo laaluushka aa bixiseen iyo wixii aa haamaha geliseen midna dub u heli meysaan ee lacagtiina caqli ku dara. Waxba yaannu Baashe Cawil Morgan wax aan idiin suurta geli doonin lacag idinkaga qaadanin. Hadhow yeydaan calaacalin ee faraha kala baxa hantida ummada ka dhaxaysa aaba yaashiin malaha dalkana kacdoon ha ka ridina ma sahlana in aa aad yar shidaalka wadanka rag gaara gacanta loo geliyo e.