“Dib U Liqa Candhuufihiina Ka Fursan Mayso”. Siyaasiga Cali-guray Oo Hadlay Dagaalka Afk Ah Ee Dhinacyadda KULMIYE Warbaahinta Isu Marinayaan

0
693

Dagaalka runta ayaa ugu hor dhimata. Colkan laftooda wax baa si ka ah. Hadii ay run tahay in ay iyagu haystaan tirada badan ee Golaha Dhex taa macnaheedu waxa weeye dhinaca kale ma gaadhi karaan Kooram uu shirku ku furmi karo hadana waxay sheegayaan shir furmaya oo aanay tegayn iyagu. Laba dhinac oo shir keliya uu dhinac walba Kooram gaadhayaa ma jirto hadii tirada golaha iyo xubnaha la isla ogol yahay. Ilaa hadda dhinac walba wuu hadlayaa tirada xubnaha golaha ee saxa ah dhinac sheegayaa ma jiro. Qaar baa ku odhanaya waa afar boqol ama waa ilaa afar boqol. Hadii aan tirada rasmiga ah ee goluhuba sugnayn labada dhinac midna sax maaha sheegasho dooda in iyagu ay haystaan tirada badan.
Golaha Dhexe dabcan meel laga dhaqaaqi karo ayuu leeyahay oo waa liiska Maxkamadda iyo Xeer Ilaalintuba hayso ee kaasina miyay isku hayaan mise dhinac diidan baa jira?
Waxan u malayaa in ay kala gaadheen labadan dhinac heer aanay isku soo noqon karin ama wax wada yeelan karin oo ay ku qasban yihiin in ay kala dhaqaaqaan oo
ay taa ogyihiin ee dadka uun ay waalayaan kana werwareegayaan inay runta u sheegaan in KULMIYE uu kacay shadaaftana laabtay oo xataa aanu doorashada ka qayb geli karin hadii musharaxnimada ay ku kala dhinteen aan dib madaxwaynuhu ula noqon iyagana HADMAAN HAAKAHBA IDIN IDHI ANIGA AYAA MUSHARAX AH EE DIB U LIQA CANDHUUFIHIIN KU ODHAN