Dhuxul oo kale raggii hore geedka lagu shirayao wey ka eryi jirayn

0
646

Waagii hore raggi talin jiray Dhuxul oo kale geedka lagu shirayo wey ka eryi jireen sabab too ah waa nin madhan oo faaruqa oo hadalkana booshaaqa. Berigaa marka raggu dagaal tagana Dhuxul oo kale waxa lagaga sii tegi jiray dumarka iyo caruurta iyo xoolaha inuu la sii jooga waayo noociisu dagaal ma geli kari jirin oo adkeysi iyo dagaalyahan nimo midna muu lahaan jirin. isla waagaa Dhuxul oo kale dumarku wey diidi jireen in uu guursado oo uumay arki kari jirin nin buura ah ileyn waakan dumarka iyo caruurta dhex fadhiya marka raggii dagaal tegay e. Dhuxul oo kale wuxuu ahaan jiray sida geedka jiica la yidhaa ee cidii soo ag martaaba wax ku dhufan jirtay. Dhuxul oo kale marka la guurayo dumarka ayuu awrta la rari jiray biyahana la soo dhaamin jiray. Waqtigan la joogana Dhuxul sidii uun buu dumarka madaxtooyada ka taliya uuga talo qaataa oo waxay u diraan buu u doonaa waxay yidhaahdaan dheh na warbaahinta ayuu ka yidhaa. Waa la wada daawaday dhowr jeer isagoo madaarka Hargiesa Silaanyo marna kicinaya marna aamus ku le sababtuna ahayd in dumar sidaa in uu sameeyo soo fareen. Hadaba waxa isaga ka sii daran kuwa kaasi af-hayeen u yahay ee cid dhaanta oo bulshada la hadasha iska dhex waayay. Bulshada reer Somaliland waa ku ceeb in Dhuxul shaashada u soo fadhiisto oo uu ku yidhaa madaxweynuhu wuxuu doonayo uun baa la yeelayaa. Dhuxul waa teneg madhan oon siyaasad iyo hadal waxba ka garayn ee waxa iga degi waayay duulka soo diraya ee uu af-hayeen u yahay. Dhuxul waa nin aan cilmi iyo caqli midna lahayn. Waa Guulwade aan weliba xariif ahayn oo hadalka booshaaqa oo wax macno le aan ku hadal. Somalilad sidaa kaga quuso Dhuxul iyo Morgan oo middhan baa dhex boodaya iyo dhowr dumara.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here