Dhul Gariir Xoogan oo ka dhacay Indonisia iyo khasaaraha ka dhashay
Dhul gariir xooggan ayaa ku dhuftay deegaan dalxiiska caan ku ah oo ku yaalla dalka Indonesia, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof.
Dhul gariirkan oo lagu Qiyaasay 6.4 cabirka dhul gariirada ayaa ka dhacay badhtamaha jasiiradda Lombok ee dalka Indonesia subaxnimadii saaka.
Gur`yo badan ayaa ku burburay dhul gariirka halka tiro dad ah ay ku dhawaacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.
Afahayeen u hadlay laanta ka hortagga masiibooyinka dalkaasi wuxuu sheegay in 40 qof ay ku dhaawacmeen dhul gariirka halka guriyo dhowr ah ay burbureen.
Afahayeenkan oo lagu magacaabo Purwo Nugroho ayaa intaasi ku daray in tirada dadka uu waxyeellada gaarsiiyay dhul
gariirka la filaayo inay sare u kacdo.
Wuxuu intaasi ku daray in hadda ay wadaan howlaha gurmadka iyo samatabixinta dadka uu saameeyay dhul gariirka.
Qof goob jooge ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dhul gariirka uu xoggaana islamarkaasna ay argagexeen ayna ka carareen guryahooda.
BBCSOMALI