DHOOFKA XOOLAHA EE OO BILAAMAY IYO MAXJARKII SEDEXAAD EE XOOLAHA OO CASRIYA OO XADHIGA LAGA JARAY

0
709

ILaahbaa Mahad leh inagu Galaday nimcooyin farabadan oo Barwaaqooyin kooda kaladuwan iyo Mahadnaqooda wata ,sida aynu wada ognahay ama ka wada dharagsanahay wadankeena iyo Bulshadeena ILLAAHAY waxuu ku manaystay nimcooyinkaa aynu xusnay oo ay kamid yihiin illooyin dhawra oo xoogan oo dhaqaalaha wadankeenu kor u qaada sida,Xoolaheena oo ah a lafdhabarta dhaqaale ee ugu mudan, hadaba dulucda mawduuceena oo horumarka Xoolaheena ku saabsan lana xidhiidhinayno ujeedada nuxurkeena Ganacsatada kala duwan ee wadankeenu talaabadan sigaara ugu amaanan yihiin suurta galinteeda iyaga oo xaga dawlada uga dheereeyay soo kordhinta maxjaro casriya kuna amaanayno doorka sharafta iyo haybada leh ee ay kula tartamayaan caalamada kale ee xoolaha sideena suuqgeeya ama ay shiidaalkooda Yihiin, Hadaba waxa jirta arrin Ganacsatdada sharafta iyo milgaha leh iyo dhamaan dadka kuxidhan ilaha manaafacaadka kaladuwan ee xoolaheena la xidhiidha ka dahsoon waa maxay arrinkaasi waxkale maaha waa isla Maxjaradiii Lacagta adag iyo qalabka casriga ah lagaliyay oo ay ka hawlgalaan shaqaale aan ehel u hayn tayadii aqoonttii iyo baadhitaanadii looga baahnaa socodsiinta shaqada caafimaad oo siyaabo kala duwan loo shaqaalaysiiyay oo ay kow ka tahay sida wadankeena meelo kamida looga helo shaqo aan aqoon iyo sharci aan loo lahayn ha u badnaato xarumaha dawladeena taas oo sabab u noqotay in marar kala duwan xoolaheenii dhoofay lasooceliyo waliba si isdaba jooga mararka qaar taas oo aan inaga wada qarsoonayan oo aynu markasta saxaafada ka maqalno kana daawano xoolaha kala duwan ee markab dib usoo celiyay dhiigbax iyo niyadjabna inagu ah iyada oo lagusoo celiyay kaliya sababtii caafimaad ee maxjaradan Qaban lahaayeen taas oo wadanka soo gaadhsiiya nusqaan iyo hoos udhac dhaqaale iyo sumcad xun oo wadamadii xoolaheenu ay galayeen ama iibsanaayay inaga aaminkabaxaan shakina ina galinaysa mustaqbalka ,Ganacsatadii dadaalka adag usoo martayna dadaalkoodii iyo karamadoodiii iyo hantidddiiba dhaawacaysa, sida ingu wada maqaala ah bishan laba markab oo xoola ah ayaa lasoo celiyay sidoo kale 4bilood ka hor mar kab kale ayaa lasoo celiyay makala foga bilooyin ha ukala dhaxeeyaan sanad kasta ,sidoo kale bishan sideedaad ee aynu galnaynana maxjar cusub ayaa lafurayaa taas oo ganacsatda sharafta iyo karaamo wadanka ku leh lacag adagi ka gashay hirgalintiisa kuna darsoo maxjarkii dad aan dhakhaatiir ehel u ahayn oo hab qaraabo kiila ayaa sugaaya una sharaxan taas oo masuuliyiinta kala duwan ee wadanku qofba qof soo qorto wasaaradana laga saxeexdo iyadoo wasaarada dhakhaatiirtii ehelka u ahayd joogto Agaasima Dr. jaamac odawaa waa agaasime hawlkara oo dacada khibradna u leh adeegyada caafimaad kaas oo wasaaarada sumcadeedii kor u qaaday sidoo kale wasiir Cumar waa nin sharaf iyo qadarin leh inkastoo agaasime waaxeedadu qaar u qaabilsan maxjarada iyo baadhida caafimaad ee xooluhu ay shaqaale aan wasaarada ka tirsanay magacyadooda inta ay soo qoraan wasiirka ka saxeexa isagoo shaqda ku cusub inkastoo hawlaha shaqo iyo saxeexideedaa uu a wood u leeyahay agaasimaha guud sida dhacdana lala garab maro iyada oo taasi muujinayso is habyaaca shaqo, Hadaba waxa jira markii maxjarada qaar lafuray sanadkii xoolaheena xayiraada laga qaaday ee 2009 in mudo kadib xoolaheenii dib loo soo celiyo si soo noqnoqta kadib shakibadan ina galay taas oo markii danbe Dhakhaatiir caalamiya oo sucuudiga shaybaadhadooda ka socdaa iyo wadamo khaliijka ka midi ay wadanka Bookhasho ku yimaadeen lana tashadeen dhamaan qaybihii kala duwanaa ee qaabilsanaa arrinkan oo ay kamid tahay dawlada , ganacsatada, wasaarada xanaadada xoolaha iyo shaqaalihii maxjarada ee wakhtigaa taas oo baadhitaan maxjarada ah iyo meela kalaba dabagal lagu sameeyay oo lagu helay isla shaqaalihii wakhtigaa ee ka hawlgalaayay maxjarada wax isdaba marin iyo tayadoodaba laxidhiidha taas oo aakhirtkii Shaqadiii lasoo faragaliyay Xilkiina laga qaaday sida lawada ogyahay wakhtigaa Madaxii maxjarada ahna sidoo kale Dhahtarka dhoofka xoolaha dekada ee Berbera iyo maamulka maxjaradaba oo lagu magacaabi jiray Dr. Axmed Haybe Warsame oo dhakhaatiirtii qaar kamidnina ay weheliyaan xilka qaadistiisii maamulida maxjarka ee wakhtigaa , taasoo shaqadii si hufan oo aan dhaliil lahayn ku soo laabatay markii Dr.kale loo magacaabay maamulida Maxjarada waa Dr.Ali Maxamuud Guuleed oo illaa hada maamula soona celiyay karaamadii iyo sumcadii shaqo iyo tayo ahaaneed ee Maxjarada suuq geynta Xoolaheena Hadaba hada dhaliishu waa Xagee waa waaxda Caafimaadka xoolaha qaabilsan ee wasarada xanaanada xoolaha iyo isla maxjaradiiba taas oo agaasimaha caafimaadinta iyo baadhitaanka xoolaha ee maxjarada ahna waaxda caafimaaka wasaarada ay eedani dul hoganayso masuulna katahay dadka aan shaqaalaha wasaarada ahayn kana hawlgala maxjarada iyadu ka masuul yahay ,Hadaba waa maxay xalku waa talo ku socota Ganacsatada xoolaha ee maxjarada ku waas oo lacag adagi ka gashay furtitaanada maxjaradan waa inay feefjignaan muujiyaan cida ay yihiin dadkan magaca dhakhaatiirta sheegaynay ee aan kadiwaan gashanayn wasaarada ee hab qaraabo ku yimid ay wadanka boog ku yihiin ganacsatadana khasaare iyo dhaawac dhaqaale ku yihiin Bulshadana dhaqaalaxuma ku keeni karta waayo xooluhu waa shiidaalka manaafacaadkeena . Dhakhaatiirtii maxjarada ee loogu talagay mooshinkan arrafa ee culus boqolkiiba 15% ayaa katirsan wasaarada inta kale waa wax sikale ku yimid waana arrinka sabab u noqonkara in xoolaheena dib loosoo celiyo khasaarana inoogu fillan.

Dr.Mohamed Xamud X. Daahir
Mohamedxmud@gmail.com
Hargeisa/Somalilan