Dhismaha wadada ceerigaabo waa mid ay xukuumada kulmiye taariikhda ku gali doonto

0
602

Dhismaha wadada ceerigaabo waa mid ay xukuumada kulmiye taariikhda ku gali doonto

Dhismaha wadooyinka dalka oo ah halbowlaha koboca dhaqlaaha wadanka ayaa mudadii ay xilka hayeen xukuumada xisbiga kulmiye waxa ay dalka ka hirgaliyeen wadooyin badan oo wax badan kusooo

kordhiyey isu socodka magaalooyinka dalka iyo bilicda caasimadaha gobolada hirgalinta dhismaha wadooyinka ayaa kamid ahaa balanqaadyadii xisbiga kulmiye ee wakhtigii ololaha doorshada

intii ka horaysay xukuumadan sida lawada ogyahay waxa ay wadooyinka dalku ahaayeen kuwo gabi ahaanba burbursan intii markaas jirtay

haba ugu sii darnaadaan kuwa magaalooyinka dhexdooda ka samaysaniye gawaadhida ayaana in badan dhib kala kulmi jiray burburka wadooyinka

sidoo kale waxa wakhtigaas xataa iska yaraa in dayac tir muuqda lagu sameeyo wadooyinka burburay ee muhiimka ah

hadaba intii kanbaysay markii uu madaxweyne siilaanyo iyo xisbigiisu ku guulaysteen talada dalka waxa u guntadeen sida aynu kor ku soo xusnay

dhismaha wadooyin cusub oo tiro badan iyo dayac tirka kuwo kale oo badan iyagoo magaalooyinka ka hirgaliyey wadooyin badan

oo aan hore u jirin kuawaasi oo laga sameeyey gudaha xaafadaha iyo suuqyada magaalooyinka waaweyn ee dalka

waxa xusid mudan in xukuumada axmed siilaanyo iyo xisbigeedu ay ku dhiiradeen bilaabista dhismaha wadada isku xidha burco ilaa ceerigaabo oo ah wado aad u dheer

mashruuca wadadaasi ayaana lagu tilmaamay kii ugu waynaa ee laga bilaabo dhul ay Somali dagto ebid intii ay jirtay umada somalidu tan iyo lixdankii

xukuumadeena iyada oo maanka ku haysa adayga hawshaasi iyo baaxada hawsha wadadaasi ayey dhabarka u dhigtay iyada oo kaashanaysa shacabkeeda

dhismaha wadadani oo maraya meel aad u wanaagsan ayaa waxa uu noqon doonaa hadii ay xukuumada kulmiye ku guulaysato dhamaystirkiisa mid ay taariikh ku galidoonaa taas oo aanay shacabka Somaliland marnaba iloobi doonin

W/Q : xamse maxamed

Email : xaajixamse7@gmail.com