Qalinkii: Axmed Cali Kaahin Q/2aad.
….isdhexgalka wiilasha iyo habluhu noqdeen hab nololeed soo yar koraya, mararka qaarna bulsho badana dhabano haysi ku noqday markay arkaan dhaqanadan iyo sida ay wax u socdaan, haddaad dib u jalleecno hasii fogaanbee ama 15 sano ka hor ardayga ama ardayada soo dhexgala jinsi kale aad baa loola yaabi jiray, xataa iska daa wax kale la isma aqoon, hadda waxaad arkaysaa wiilal iyo gabdho siiwada rawaxaya oo shidanaaba shidan, aanay ka qasnaynba meelaha qaar weeyaan oo yar. Macalinka ugu wayni waa TV yada qaarkood halka qaar aqoon laga dheefsado, iyo Musalsalada la iskuna dayaayo in dib loo jilo sheekho ku sheega jacaylka oo dhawrsanaan badana daaqada kasaaraysa
Dhinaca kale daawasahda kubada cagta oo noqotay il ay kasoo butaacaan dhaqano qadhaadh oo qiimatir ku riday Diinteenii suubanayd iyo dhaqanadeenii dhawrsanaa, haddaad eegto qaabka loo xiirtay, habka lo socdo, dharqaadashada, magacyaa la iskugu yeedhayo, xalay oo dhan baa loo soo jeeday, maanta oo dhan marka la iskugu yimaadan dibaa cajalada loogu celinayaa in laga sheekeeyo, loona kala qaybsan yahay ninba koox dhabarka ku sito, waxaanu ku odhanayaa xalay waan guulaysanay, waxaanu soo iibsanay, waxaanu iibinay iyo Macalinkayagii sdiaa iyo sidaa, waxaad moodaa adhigii aabihii in uu u abtirinaayo siduu u xifdiyay ciyaartoy kasta iyo taariikhdiisa ciyaareed iyo nololeedba, haddii la waydiiyo su’aal Diiniya ama dhaqana, waxa laga yaabaa in sida dadku sheegaan nin Heesaha aad u dhagaysan jiray mar la wadiiyay Magaca Saxabi Allaah Swt Raali ha ka ahaadee in uu ku jawaabay garan maayo haddaanu fanaaniintii hore ku jirin, waa tusaale cajiiba kolba waxa niyadaada aad ka buuxiso baa kasoo butaaca sida buushka waxa la galiyo marka hore uun baa isla shaygii laga tuujiyaa, haddii caano lagaliyo caano, haddii saliid lagaliyana saliid, kolay dhamaanteena waxaa inna tuujin doona Mawdka Allaw na sug. waxa taa sii raac ku dayasho badan oo qalad iyo saxba leh oo innagaga soo muusaysa qurbaha tilmaamo aan la mahadin laga soo dheegto.
Arrimahaas aan soo xusnay midkastaa waxa uu u baahan yahay in gaarkiisa loola tacaalo, qorshe iyo qaab xikmad iyo waano dhibirsana lagu maareeyo, waana hawl u wadda taal waalidka, macalinka, Cuimada, waxgaradka, wasaaradaha shaqada ku leh siyaasad cadna laga yeeshaa hagaajinta himiladeena oo ku xidhan jiilka soo socda iyo qaabkooda dhawrsanaantooda oo ah hantida ugu qaalisan ee ummadi leedahay mustaqbalka.
Sidaynu soo xusnay waa loo kala nugul yahay dharsanaan la’aanta bahda u nugulna waxaa hormoodka ah xaawalayda gaar ahaan hablaheena qaaliga ah ee qumanaanta iyo dhawrsananta u dhashay, waxaynu ka eegi doonaa meel kaliya oo khusaysa gabadha. si toosa diirada usaari doonaa Maah Maah kaliya oo ku jihaysan dharsanaanta,hawraar caan baxday, halkaysna dadka qaar u ah oo tidhaahda. (KUN BAA LA HADLOO KOW BAY KA RAACDAA) (hawraar aan la mahadin) taasi oo dadka qaar dood galiyaan ayna dhaliso faaqidaad guud oo qofba aragtidiisa dhan ula dhaqaaqo, halka dadka qaar u arkaan haddal halis ku ah dhawrsanaanta ama urursanaanta ummada.
Hadaba dhawrsanaanta, afgaabnaanta, socod yaraanta, indho laabitaanka, daymo yaraanta, socodka asluubaysan waa astaan hida u ah hablaneena geeska waligoodna lagu tilmaansan jiray meelkasta oo ay dunida ka joogaan laguna soosooco, balse hadda waxaad moodaa in dhaqankaa suuban sii liin baxaayo, dhaqano badani dusha kaga yimaadeen awooddiisii adkaydna ku jihaysanyihiin weeraro aan kala joogsi lahayn habeen iyo maalin iyo saacadkasta. halka dhaqankaasi suuban waayay cid u gurmata in lagu sii joogsado mooyaane, balse geed addayg uu udhashay awgeed ayaa ilaa hadda la awoodi laayahay in dhufayska laga saaro lana loodiyo. Waayo wali waxa nool hooyooyin badan iyo aabayaal laga dheehan karo xishoodkii iyo dhaqankii wanaagsanaa ahna buug qofkastaa uu akhrisan karo ama maktabad ina agtaal oo nool una baahan in waxbadan laga barto lana kaydsado.
Balse waxa jira cabsi ah in bari dhaw laydh lagu raadiyo haddii waalidiintaa maktabadahaasi ahi ay sii yaraadaan, Wakhtigan waxa jira baahi badan oo loo qabo qaab nololeedkaasi ka tilmaanaa bulshooyinka kale. Bulshadeenii hore ee reer guuraga ahayd waxay aad ugu caano maaleen camalkaa dhawrsanaanta waxaanu ahaa astaan lagu bildhaansado qofkasta lab iyo dhadig, sharafta oo la ilaashadaana ahayd shay biyo kama dhibcaana qofkastaana ku dagaalamo dhimashana laga xigay in lagu xadgudbo. In badanbaa la isku dili jiray oo dagaalo lagu hoobto ka dhici jireen sharaf gabadh lagu xad gudbay, ilaalinta sharafta dumarkuna waxay ahayd khad cas oo aan lagu xadgudbi karin oo ilaashan.
Dhinaca kale ilaalinta sharafta gabadha waxa masuuliyadeeda gaar ahaaneed iyo guud saarnayd si gaara gabadha meelkasta oo ay joogto, taasi oo gabadh kastaa gaadh joogta ah ka hayn jirtay ilaalinteeda, xilkeeduna dhabarka u saarnaa, cidna aanay ku halayn jirin, waxa jiray qaab lagu yaqaanay gabadha inta badan oo marka ay meel soo marto haddii rag fadhiyaan ay ka baydhi jireen, hadday qososhana afka gacanta saari jireen, marka ay socdaana inta badan baala daymoodku ahaa wax ceeba, indhaha oo la laabo ama foorarkuna ahaa wax dhamaan dumarku caan ku ahaayeen, in codkooda la maqlaana ay kasii darnayd, way badnaayeen dhaqanadda xushmada iyo xishoodku sadka iyo salka aan sal guurin u ahaa dumarkeenii qumanaa, oo halkan kuma soo wadda koobi karno.
Runtii gabdhaheena maantu waxay kaalin wayn kaga jiraan nolosha qoysas badan waxay fiiga ka dhiibaan dhalin badan oo ay waddadhasheen, gudo iyo dibadna waa halka ay bulsho badani ka dhiman wayday taageeradooda iyo hurida waxqabad oo waalidiin badani ku nasteen halka wiilashii in badani ay gabeen kana soo bixi waayeen kaalintii laga rabay, laggana gam’ay walaashii oo guntiga u xidhatay in ay buuxiso kaalintiisii hormoodnimo, runtiina si fiican oo saciimana hawshaa uga soo baxay, taasi oo wax laggu amaano lagguna faano u ah dhamaan dumarkeena iyo dadkeenaba, guddo iyo dibadna waa ka simanyihiin huridaa hadh iyo habeen ay ugu hiiliyeen waalidiintood iyo qaraabadooda iyo cidii ay badhitaari karaan.
Waxkastoo fiican waxa ag socda turunturooyin yaryar mararka qaarna waawaynaada bulshadana ku yeesha raad dhibaateeya diintooda iyo dhaqankooda, turunturooyinkaasi way badan yihiin balse haddan sooo qaadano ta ay tilmaamayso odhaahda (kun baa la haddloo kow bay ka raacdaa) in qofku baadho lamaanihiisa waa arrin amaanteeda leh, si habboona u xusho, sidii dhici jirtayna haddii dadkii wanaagsanaa arkaan qof ay ku qancaan Amaanadiisa iyo Diintiisa waxay u bandhigi jireen guur gaar ahaan cidda ay masuuliyadoodu saarantahay, qaabab badan oo loo baadho lamaanaha oo shareecadu sugtay kuna suntay saddaradda diinta ee suuban sideeda in loo raacana waa waajib sandula ku ah qof kasta, sharcigu wuu ka sareeya wax kasta, qaababkan odhaadu tilmaamayso in laga talaabsado iyadoo niyada lagu hayo odhaahdaan aan meel ku lahayn diinta, maadaama ay tilmaamayso in dhawrsanaanta la jabiyo oo qofkasta qaabkuu jeclaysto u maro hawlaha wadda haddalada yagleeliga guri nagi. Waxa Xiga Qayb 3aad haddii Allaah Swt idmo,
HA HILMAAMIN XUSKA RABI.